PUTRAJAYA (HN) — Muslim u dhashay dalka Malaysia oo waardiye ka ah Masjidka Putra oo ku yaalla caasimadda labaad ee Putrajaya, dalka Malaysia ayaa iskiis isku baray toddobo luqadood oo aas-aasi ah u ah dadka soo booqda Masjidka.
Razali wuxuu sheegay inuu hadda ku tala-jiro barashada afka Filibiinees-ka ah maadaama Muslimiin badan oo ka socda gobalka Mindinao ee Filibiin ay imaanayaan Masjidka.
Markii ugu horreysay oo uu halkan imaanayay, wuxuu kaliya ku hadli karay luqaddiisa Malay-ga ah oo looga hadlo Malaysia. Balse hadda wuxuu fahmi karaa luqado gaaraya toddobo.
Putrajaya waa caasimadda dalxiiska iyo dowladda oo howlaheeda maamulka ay usoo wareejisay taniyo markii la dhisay.
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.