crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida oo wali u baroordiiqaysa Gumaadkii Muslimiinta New Zealand. | HimiloNetwork

Dunida oo wali u baroordiiqaysa Gumaadkii Muslimiinta New Zealand.

MUQDISHO (HN) — Dunida ayaa wali sii wada inay u adeegsato ereyada ugu adag canbaareynta falkii bahalnimada ahaa oo lagu toogtay Muslimiin ku sugneyd laba Masaajid oo ku yaalla dalka New Zealand Jimcihii lasoo dhaafay.


Madaxda caalamka ayaa si midaysan uga fal-celiyay iyaga oo falkan wuxuushnimada ah ku tilmaamay mid argagaxiso ah.

Booliska dalka New Zealand ayaa sheegay in 49 ay ku dhinteen weerarka, balse uu soo raacay ruux kale oo markii danbe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

MD Turkiga, Erdogan iyo Maayarka Magaalada London Harun Khan ayaa falkan ku tilmaamay ficil-fuleynimo ah oo caddeynaya Islaam-naceybka baahaya ee ka jira Galbeedka.

Muuqaalka toogashada oo ahaa mid toos looga daawanayay barta facebook ayaa lagu taliyay inaan lasii wadaagin baahintiisa. Haweeneyda RW k ah dalkaas, Jacinda ayaa sheegtay in maalin madow ay u tahay dadka iyo dalka New Zealand.

MD Donald Trump ayaa isaga oo la hadlayay saxaafadda wuxuu sheegay in falkani uusna ku tilmaami karin gaboodfalka Ninka Cad. Wuxuuse ku tilmaamay mid aan laga raali noqon karin.

In kasta oo saxaafadda Galbeedka ay ka meermeerayaan inay falkan ku tilmaamaan mid argagaxisanimo ah, haddana dunida kale ayaa si weyn u adeegsanaya ereyga si ay u muujiyaan bahalnimada xanuunka leh oo lagu gumaaday rayid aan waxba galabsan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!