crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiin araga la’ oo sameeyey tarjumada Qur’anka oo ku qoran farta Indhoolayaasha. | HimiloNetwork
Photo courtesy of Creative Commons

Muslimiin araga la’ oo sameeyey tarjumada Qur’anka oo ku qoran farta Indhoolayaasha.

Texas, USA (HN) — Qaadashada Islaamka muddo laga joogo 13 sanno kahor, uma suura-gelin Yadira Thabatah, oo kamid ah dadka la’ nimcada araga, inay hesho kitaab afkeeda ku qoran oo ay ka aqrisato Qur’anka.


Taasna waa markii ay go’aansadeen inay wax ka qabtaan. Waxayna abuureen Mashruuc aan-faa’iido raadis aheyn oo lagu magacaabo Islam By Touch, waxayna soo saareen ku dhawaad 150 nuqul oo Kutub Jaamac ah oo lagu qoray farta indhoolayaasha ee Braille.

Markii ugu horreysay oo Yadira ay awoodday inay aqriso Qur’anka waxay aheyd kolkii uu socday Mashruuca soo saarista farta indhoolayaasha oo lagu qorayay tarjamada afka Ingiriiska ee Qur’anka.

“Dhabtii waan ilmeeyey,” ayay Yadira u sheegay Religon News Service. “Waxaan caadiyan u jeclahay aqriska, anigoo 10 sanno ka badan Muslim ahna, inaan awoodi waayay aqriska Qur’anka waxay runtii igu aheyd xanuun dahsoon. Tanina waa fursad aan kaligay iisoo if bixin balse anfacaysa Muslimiinta kale ee qaba baahiyaha gaarka ah.”

In kasta oo dadka araga la’ ay dhageysi ku bartaan Qur’anka, haddana Yadira waligeed waxay jacleyd inay gacanteeda ku taataabato kutub Jaamaca iyada oo aqrisanaysa.

“Sidee noqonayaa heerka iimaan oo uu leeyahay Muslimka araga la’ haddii uusan awoodi karin inuu kala furto Qur’anka – isaga oo aqrisanaya?!”

Laba boqol oo sannadood kahor, dalka Faransiiska waxaa kasoo baxay wiil da’yar ahaa oo shil uu galay awgeed ku waayay aragiisa kaas oo ugu danbeyn go’aansaday inuusan jaahilnimo la geeriyoonin. Wuxuuna ku guuleystay inuu naftisa iyo kuwa lamidka ahba ka caawiyo qoraal lagu aqrisan karo taataabasho. Waxaana fartaas ama qoraalkaas ugu danbeyn loogu magac-daray isagii aas-aasay oo ah Braille.

Photo courtesy of Creative Commons
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!