HomeDunida MuslimkaQalab jawiga Masjidka Suubanaha ka dhigaya udug iyo caraf oo la rakkibay!

Qalab jawiga Masjidka Suubanaha ka dhigaya udug iyo caraf oo la rakkibay!

MUQDISHO (HN) — Heerkul mararka qaar aad u daran ayaa ka jira magaaladii Suubanaha NNKH, laakiin waxaa meel walba oo Masjidka Nabiga kamid ah lagu rakkibay qaboojiyayaal jawiga dhan ka yeelaya meel aad u qabow oo hurdadu kaaga soo dhawacayso.

Balse taas hadda waxay u muuqatay inaysan kaliya ku fileyn jamaacada salaadaha ku oogaya gurigii iyo masjidkii Suubanaheenna NNKH, waxaana guddigu uu soo kordhiyay aalado si qalabeysan loogu jaaday udugga nuucyadiisa kala duwan oo masjidka gebi ahaantiisa ka yeelay mid caraf badan oo qofka dhex jooga uu sanka la raacayo udugga.

Waxaa kale oo jidadka magaalada Madiina lagu teeday dhir qurxoon si looga helo qabow dabiici ah – isla markaana ay indhuhu ugu doogsadaan. Goobaha fadhiisiga iyo nasiinada loogu tala-galay iyo meel walba oo ilqabad leh waa la dhireeyey.

Bilowgii bishan aynu ku jirno ee Hijriyadda, madaxweynaha Masjidka Nabiga ayaa sheegay in in ka badan 4 milyan oo Muslimiin ah ay soo booqdeen Qabriga Suubanaha NNKH intii u dhaxaysay Dhul Hijjah 7 ilaa 14.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments