HomeDunida MuslimkaXaajigii Baadariga ahaa saddex bil kahor Xajkiisa

Xaajigii Baadariga ahaa saddex bil kahor Xajkiisa

MUQDISHO (HN) — Saddex bilood kahor, baadariga Richmond wuxuu arkay riyo dhexdeeda loogu sheegayo inuu dadka ku xiran kaniisaddiisa ugu yeero Islaamka – waana uu fuliyay amarkaas. Dhammaantoodna, alxamdullilah, waxay noqdeen Muslimiin.

Hadda saaxiibadiisa iyo walaaladiisa Muslimiinta ah waxay ugu yeeraan Ibrahim Richmond, oo ah magac uu doortay markii uu diinta qaatay kaddib. Wuxuuna sannadkan kamid ah xujeyda fursadda u heshay inay gutaan acmaasha xajka iyo cumrada – iyaga oo ka faa’iideysanaya barnaamijka King Salman Ḥajj.

Sannadkan aad buu u qabsaday hadalheynta caalamka, waxaana warfidiyeenku ay aad u qaadaa-dhigeen sheekadiisa yaabka leh. Wuxuu asal ahaan kasoo jeeda dalka Koofur Afrika. In ka badan labo malyan iyo bar ayaa sannadkan usoo baxday inay gutaan Xajka oo ah tiir kamid ah tiirarka waaweyn ee Islaamka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments