MUQDISHO (HN) — Cayaartoyda, calanwalayaasha, iyo garsoorihii dhexdhexaadinayay kulan labo kooxood oo Ciraaqi ku dhex maray garoon kubadda cagta ah ayaa soo qaatay kutubka Qur’anka kariimka ah si ay uga falceliyaan dhacdadii foosha xumeyd ee Sweden lagu sameeyey taas oo ay ka caroodeen Muslimiinta caalamka oo dhan.
Laacibiinta labada kooxood ee kala ah; Al-Shorta iyo Al-Qasim ayaa kahor furitaanka kulankooda waxay safka lasoo istaageen kutubta Qur’anka iyaga oo dhunkanaya sare-na u dhigaya si ay dunida Galbeedka ugu muujiyaan halka uu ka joogo!
Waxaa intaas kasii yaab badneyd in taageerayaasha labada kooxood ay isku si ugu weyneeyeen kutubka Qur’anka iyaga oo lasoo baxaya markooda, waxayna ku dhawaaqayeen Qur’anka waa nolosheenna waana nagu waajib inaan difaacanno.
Si kastaba falkan foolxumada ah ninkii ka dambeeyey waxaa lasoo werinaya inay lasoo deristay xaalad cabsi iyo xasilooni darro ah.
You must log in to post a comment.