crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Deeqsinimada Muslimiinta darteed ayuu kusoo ‘islaamay’! | HimiloNetwork

Deeqsinimada Muslimiinta darteed ayuu kusoo ‘islaamay’!

MUQDISHO (HN) — Myles Hembrow wuxuu rumeysan yahay in safarkii uu ugu baxay Cumaan – si uu uga qeybqaato howlgalka xeebaha – uu u ahaa daaqaddii uu ka arkay diinta Islaamka.

Waxay ahayd maalinta weyn ee Ciidda, waxaana ninkan uu la dhacay casuumaadda iyo martiqaadka heerka sarreeya oo ay u fidiyeen Muslimiinta.

“Waxa iga yaabiyay waxay ahayd innaga oo ah shisheeye howlgal u jooga dalkooda inay haddana noogu yeereen martiqaad ay lahaayeen si aan ula qeybsanno farxadda iyo damaashaadka Ciidda,” ayuu yiri.

“Ma fasiri karo sida weyn oo qof walba uu dhaqan soo dhaweyneed u lahaa, waana wax dubaaqayda ku yeelan doona raad aan tirmin,” ayuu sii raaciyay.

Wuxuu u dhashay dalka Australia wuxuuna yaraantiisa dhigan jireen iskuul lagu dhigo Kirishtaanka. Aad buu iskula dhacsanaa. Laakiin marnaba ku dareemeyn qanaaco inuu iskaga negaado. Wuxuu hadiyo jeer u diyaarsanaa inuu dunida ku hareersan wax ka barto.

“Aragtida ah saddex Ilaah baa jira igama daadegin abidkay, waxaana marwalba dareemi jiray inay wax ka qaldan yihiin,” ayuu yiri.

Dalkiisa waxaa ku nool 26 milyan oo qof, waxaana Muslimiintu ay ka yihiin 2%.

Hadda Hembrow wuxuu noqday Muslim, wuxuuna sida walaalihiisa kale u gutaa waajibaadka maalinlaha ah ee Muslimiinta sida Salaadaha iyo wixii la halmaala.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!