crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Haweeneyda Maalinle u Quudisa Boqollaal Danyar ah. | HimiloNetwork

La kulan – Haweeneyda Maalinle u Quudisa Boqollaal Danyar ah.

Lahore (Himilonetwork) – Taageeridda dadka danyarta ah ee xaafadeeda, haweeneyda Pakistaniga ah waxay quudinaysay boqollaal gaajoon si maalinle ah gurigeeda.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Rukhsana Izhar, waxaa dhiirri-geliyay da’yar Pakistani ah oo bilaabay mashruuc loogu magac daray Rizq oo ah mid lagu quudiyo danyarta magaalada ku nool, sida ay soo xigatay Hey’adda VOA.
Mashruuca Rizq waxaa sannadkii 2015 bilaabay koox saaxiibo ah oo mid kamid ah uu yahay wiilkeeda Huzaifa Ahmad.
“Waxaan aragnaa cunnooyin laga dhargay oo guryaheenna yaalla, waxaana jira boqollaal kale oo innaga mida kuwaas oo aan heli karin hal waqti oo maalinkii ay cunaan ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Rizq.
Xaaladdan tiiraanyada leh waxay nagu qaaday inaan qaadno tallaab wax-ku-ool ah, waxaana rajeynaynaa in booskaas uu buuxiyo Mashruuca Rizq.
Maalin walba, qorshuhu wuxuu yahay in la bartilmaansado goob kamid ah magaalada Lahore – aalaaba kaamamka iyo isku raranta ay ku nool yihiin danyarta.
Celcelis ahaan, Rizq wuxuu maalinle u quudiyaa 200 ilaa 250 qof, waxaana kooxdani hadda rajeyneysaa inay tiradaas gaarsiiso 2,000 oo qof maalin walba in la quudin karo.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!