3-December: Maalinta Naafada Adduunka iyo Soomaalida
Posted by: Zakariya
in Wararka
December 3, 2015
336 Views
Muqdisho (Himilonews) – QM ayaa maanta oo kale u aqoonsatay MAALINTA DADKA NAAFADA ah ee dunida ku nool 3- December sanad kasta.
Munaasabadda ayaa inta badan lagu falan-qeeyaa dhibaatooyinka ay la kulmaan qeybaha naafada ah ee bulshada; sida loo xanaaneyn iyo daryeeli karo.
Naafada Soomaaliyeed oo kamid ah naafaleyda ku nool dunida, ma helaan xaqqii dhameyska tirnaa ee ay heli jireen xilligii beri-samaadka halkaas oo daryeel iyo karantiil gaar ah ay dowladdu u sameyn jirtay.
Waxaa muuqata inay marxaladda adag ee ay ku jiraan wacyiga kula wadaagaan bulshadooda Soomaaliyeed oo si guud iyaguba xaalado adag ku jira.
Naafada Soomaaliyeed ayaa isugu jira kuwo ku nitaaqmay dagaalkii 77, dagaalladii sokeeyaha iyo guluf-colaadeedka caadiyanba kolkol dalka ka dhaca. Waxayna kala yihiin kuwo ku nool xarumo kala duwan. Halka qaar ay heleen ayaan ah inay karantiil qaraabo u baxsadaan.
In naafo lagu noolaado waa nolol xanuun badan. Nimacada lixaaddana waxaa kaliya si dhab ah u dareemi kara midka ay ka maqan yihiin.
Hayeeshe kuwo xittaa awooday inay naafo-nimada kula dhex-socdaan bulshadooda, waxay dhibane u noqdaan canbaareyn iyo af-lagaado.
Soomaalida ayaa caado u leh inay iinta qofku leeyahay erey-bixin uga dhigaan. Mana ahan la yaab inaad maqasho qof loogu yeerayo iinta ka muuqata lixaadkiisa – Jiisow, Laangarow, cuuryaanow, Ileeyoow iyo wixii lamdi ah waa halbeegga aragti ee lagu cabiro qof walba oo Soomaali ah kaas oo Ilaahay ku imtixaanay dunida korkeeda inuu lixaadkiisa ku waayo.
Si kastaba, maanta waa maalin ay mudan tahay inaan lala weyneyno walaalaheenna naafada ah ee Soomaaliyeed si aan u dareensiino inaan la wadaageyno marxaladda ay ku sugan yihiin.
“Naafanimadu ma ahan nuxuusnimo. Waa Nabar nuuxsaday. Waana Nuxur wali nool.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-03
You must log in to post a comment.