crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Idaha oo kala aqoonsan kara Wajiyada Dadka ay arkaan! | HimiloNetwork

Idaha oo kala aqoonsan kara Wajiyada Dadka ay arkaan!

Muqdisho (Himilonetwork) – Jaamacada Cambridge cilmi baaris cusub ay sameysay ayaa lagu ogaaday xayawaanka Idaha in uu kala aqoonsan karo Wajiyada ku cusub iyo kuwa uu horey u arki jiray.
Cilmi baaristan ayaa lagu tijaabiyay 8 neef oo ido ah kuwaa oo la baray Afar qof oo kala ah atooraha Jake Gyllenhaal, Emma Watson , Brack Obama  iyo Wariye Fiona Bruce.
Tijaabo lagu sameeyay kadib tababar idaha loo sameeyay ayaa mid kasta oo kamid ah waxa uu ku aqoonsaday wajiga qofkii ugu horeeyay uu hor arkay afartan qof.
Cilmi baaristan ayaana lagu ogaaday in idaha ay aqoonsan karaan qofkii ugu horeeyay ay arkaan, waxaana Idihii la tijaabiyay ay ka leexanayeen wajiyada dadka ku cusub.
Waxaa horey Cilmi baaris kale oo loo sameeyay lagu ogaaday in xayawaanka Idaha ay aqoonsan karaan Idaha kale ee la nool yihiin iyo waliba dadka xanaaneeya,
 
Xigasho – allbanaadir.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!