crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 10

Wararka

Sababta loo qoray Buugga Haldoorrada Haweenkeenna.

MUQDISHO (HN) — Dood kama jirto in haweenkeennu yihiin halbowlayaasha nolosheenna. Mar waa warshadihii aadmiga soo saarayay: mar kalana, waa macalimiintii ubadkeenna barayay anshaxa suuban, afka iyo hiddaha. Sidaas darteed, haddii aynu dooneyno inaan dunida raadeyno oo aan noqonno umad asaageeda wax la qeybsata, waa muhiim inaan ku baraarugno dumarkeenna kaalmada iyo kabka noo ah. Sannad kasta 8 March ayaa ...

Read More »

Qalabka Fogaan-shumiska oo hadda laga heli karo Shiinaha.

MUQDISHO (HN) — Shumiska ama dhunkashada fog waa aalad dhawaan aad looga iibsado suuqyada Shiinaha. Waxay adeegsadaha u sahlaysaa inuu fogaan ka dhunkan karo lammaanihiisa jaceylka ee meel aad ugu durugsan ama shisheysa ku nool. Waxaana la yiraahdaa Remote Kiss. Shumiska waa astaan naxariis iyo gacaltooyo ka tarjumaysa. Suubanaha wuxuu ahaa mid aad u dhunkada carruurta yaryar. Waa sunno ajarkeedu ...

Read More »

Subxanallah: Aabbe gabadhiisa oo ka diiday inay daryeesho la koraya Maxkamad.

MUQDISHO (HN) — Aabbe u dhashay Shiinaha ayaa maxkamad la fuulaya inantiisa oo ka diiday inay daryeesho kaddib markii uu ku dhaawacmay shil gaari. Gabadhiisa oo dhigata jaamacaddana, waxay ku gacanseyrtay codsiga aabbaheed usoo jeediyay – iyada oo sheegtay inaysan hakad gelin karin wax-barashadeeda. Ninkan oo la yiraahdo Zhang wuxuu bilaabay inuu wicitaan iyo farriimaba u diro inantiisa in yar ...

Read More »

Malabka Buluugga ee Shinnida Maraykanku sameyso

MUQDISHO (HN) — Dadka dhaqda Shinnida ee ku nool gobalka Waqooyiga Carolina ee dalka Maraykanka ayaa la-yaaban sida malabka ay dhasho Shinnida ay dhaqdaan uu ku noqday mid midabkiisu lafcir ama buluug xigeen yahay. Manka iyo ubaxa ay siyaarato shinnidu si ay malab uga sameyso waxaa la fahamsan yahay inaysan xad lahayn oo ugu yaraan ay booqato geed walba oo ...

Read More »

Japan – Tartanka loo qabto Ragga Bidaarta leh

MUQDISHO (HN) — Japan waxaa ka jira tartamo kala duwan oo qaarkood ay leeyihiin la-yaab sunniyaha lala taago. Tartanka Bidaarta ayaana hadda kamid noqday. Gu’yaalihii lasoo dhaafay, Jabaaniiska bidaarta leh ma waayin sifo iyo hab ay gaarnimadooda iskugu maaweeliyaan. Waxaa loo sameeyey tartan koob jiid ah oo labadii bidaar leh madaxyadooda lagu kala dhejiyo quraarado cufeysan oo dabada ku leh ...

Read More »

Tartanka Uus-buurnimada ama Caloolweynida ee ka jira dalka Itoobiya.

MUQDISHO (HN) — Qabiilka Bodi ee dega koofurta Itoobiya wuxuu qabtaa bandhig sannadeed dabaaldeg loogu sameeyo ragga caloosha leh. Si taas loo helana, ragga doonaya caloosha waa inay galaan tababbar lix bilood ah oo ay calool iskaga soo saari karaan. Dunida kale aad bay maanta dagaal kulul kula jirtaa yareynta iyo dhammeynta buurnida iyo cayilka faraha badan – ragga caloosha leh-na ...

Read More »

Buundada dhex marta Webiga Shiinaha ku yaalla.

MUQDISHO (HN) — Muuqaalka webi dhaca meel doox ah ayaa noqday mid kamid ah goobaha loogu deegaan dalxiisidda badan yahay marka la joogo dalka Shiinaha. Waayo waxaa la dhex mariyay buundo qurux badan oo gaadiidku dulmaro. Sannadkii 2015-ka ayaa la dhisay buundadan oo dusha ka marta webigan ku yaalla gobalka Hubei. Waxaana uu dhererkiisu gaaraya ilaa shan kilomitir. Dadka deegaanka ...

Read More »

Sheekadii Shimbirkii Saaxiib dhow la noqday Ninkii u sama-falay!

MUQDISHO (HN) — Nin Hindi ah oo ku nool gobalka Uttar Pradesh ayaa noqday qof caan ka ah deegaankiisa kaddib markii shimbirweyn oo uu hadda kahor badbaadiyay ay la noqotay saaxiib dhab ah. Mohammed Arif, oo ah beeralay wuxuu arkay shinbirtan oo lug ka dhaawacan oo aad u dhiig baxaysa, wuxuuna karaankiisa ku dadaalay inaanu kaliya dhiig joojin u sameynin, balse ...

Read More »

Sheekada Da’yarka la damqada Uur-ku-taallo uu la nool yahay!

MUQDISHO (HN) — Marwalba oo caafimaadka iyo nimcooyinka Ilaahay uu ku manneystay uu tirin waayo, Yuusuf Muuse Cumar wuxuu badiyaa mahad naqa iyo alla-bariga. Laakiin goorta uu usoo baxo jidadka magaalada ayuu dareemaa inuu tabayo wax ka maqan iyo inay wax ka kala dhantaalan yihiin muuqiisa. Micno malahan wax walba oo loogu yeeri jiray Yuusuf, yaraantiisa wuxuu jeclaa cayaarta kubadda ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!