MUQDISHO (HN) — Muuqaalka webi dhaca meel doox ah ayaa noqday mid kamid ah goobaha loogu deegaan dalxiisidda badan yahay marka la joogo dalka Shiinaha. Waayo waxaa la dhex mariyay buundo qurux badan oo gaadiidku dulmaro.
Sannadkii 2015-ka ayaa la dhisay buundadan oo dusha ka marta webigan ku yaalla gobalka Hubei. Waxaana uu dhererkiisu gaaraya ilaa shan kilomitir. Dadka deegaanka oo hadda adeegsada buundadan waxay ku qaadataa 20 daqiiqo inay ku gaaraan danahooda – halka ay markii hore ku qaadan jirtay ku dhawaad saacad iyo mararka qaar ka badan.
Wax badan ayay dhismaha buundadani ka tartay nolosha iyo dhaqaalaha gobalkan. Mar waxay fududeysay isku socodka gaadiidka, mar kalana waxay il dalxiiseed oo dhaqaale uu kasoo xeroodo u noqotay dadka deegaanka ku nool.
Wuxuu ahaa mid kamid ah go’aannadii ugu qurxoonaa oo horay loogu qaado dhismaha waddooyinka highway-yada ah. Adduun dhan 440 million yuan oo u dhiganta ($71 million) ayaa ku baxay dhismaheeda.


You must log in to post a comment.