MUQDISHO (HN) — Meel dheer marka laga jeedaaliyo, muuqaalkiisu ma ahan mid kugu abuuraya niyad-jab. Balse waa in yar kaddib kolka aad kusoo dhawaato goorta aad dareemeyso wax inay ka dhiman yihiin hufnaanta faya-dhowrkiisa.
“Maalin walba waa sidan,” ayuu yiri Xuubeey oo deris la ah mid kamid ah isbitaallada ugu waaweyn ee dhaca bartamaha Muqdisho. “Haddii uu roobku curtana kumaba sii jirto.”
Xuubeey waaya’aragnimadiisu ma ahan mid isaga oo kaliya ku kooban. Waa xaalad ay xittaa ka marqaati yihiin rakaabka saaran gaadiidka dadweynaha. Labada dhinac ee isbitaalka waxaa buux-dhaafiya qashin mararka qaar urtiisa aan la ag-mari Karin. Waxayna kusii negaadaan maalmo badan inta gaadiidka qashinka qaada ay kaga imaanayaan.
Gudaha marka loo daadego, aalaaba lamid ma ahan muuqaalka bannaanka ka jira. Howl-wadeennada shaqaalaha nadaafadda ee isbitaalku waxay ku jiraan shaqo joogto ah. Dadaalkooduna wuu muuqan karaa. Balse, nasiib-darro, wax badan xil iskama saaraan muuqaalkiisa bannaanka inay u ilaaliyaan sida kan gudaha.
“Maba arag shaqaalaha nadaafadda isbitaalka oo xittaa maalin bannaankiisa hagaajinaya,” ayuu yiri Xuubeey oo si cad hadda u ogsoon inay tani ku keeneyno dhibaato muuqata. “Dhinaca aan ka jirno isbitaalka waxayba noqoneysaa bullaacad habeenkii marka la jiifto qashinka la iskaga soo fogeeyo.”
Si lamid ah inta kale, isbitaalku xitaa malahan hab-adeeg qashinka keydiya ama gaadiid qashinkooda meel cayiman isugu geeya. Waxay sida dadweynaha intiisa kale macmiil u yihiin shirkadaha nadaafadda ka shaqeeya.
- Musqusha Dhaqtarka –
Balse ma ahan oo qura bilicda hore ee isbitaal kasta mid hadda laga keeni karo su’aal adag. Sir weyn oo la qarin karo waxaan aheyn in isbitaallada qaar ay xittaa aad uga liitaan hufnaanta gudahooda ka jirta.
Sababo badan, sida howl-wadeennada nadaafadda oo subixii mar qura gacan maris ku nadiifiya qolalka iyo musqulaha isbitaalka, ayaa keeneysa in qashinka iyo il-darada bilic ahaaneed ay iska noqdaan wax caadi ah. 24-kii oo laga yaabo in laba jeer oo qura la wada hagaajiyo qolalka iyo musqulaha iyo baahida bukaanka iyo kaaliyihiisa oo ka badan intaas ayaa bilicda isbitaallo badan ka dhigtay mid laga dido ama aan la jecleysan in adeeg caafimaad loo raadsado.
Halkii ay aheyd in musqulaha bukaanka uu adeegsado shan jeer iyo ka badan lagu hubsado hufnaan iyo nadiifsanaan, runta qaraari waxay tahay in waqti badan la geliyo sidii loo nadiifin lahaa suuliga uu adeegsado dhaqtarka isbitaalka, marka loo eego Ismaciil oo ah arday hadda un qalin-jebiyay.
“Halkii ay aheyd in mudnaanta la siiyo bukaanka, isbitaalladeennu waxay ka walwalaan nadaafadda xafiiska iyo suuliga dhaqtarka,” ayuu yiri isaga oo ka sheekeynaya sidii loogu gacan-seyray markii uu adeegsan maagay musqusha dhaqtarka.
“Haddii aan ku qanci waayay suuliyada bukaannadu isticmaalaan oo midda dhaqtarka ay igala fiicnaatay nadaafad ahaan, sow hadafkii laga lahaa badbaadada bukaanka lama hareeri marin?!” ayuu is weydiiyay.
Balse jawaabta su’aashiisu kaliya ma ahan inay ka war-celiyaan isbitaallada. Waxaa cad in kaalintii Wasaaradda Caafimaadka oo laga rabay inay si qoto dheer ula jaan-qaado xaaladaha ay ku shaqeeyaan isbitaallada ay wali maqan tahay.
Si xal midaysan oo suura-galin kara in bukaannadeennu adeeg caafimaad usoo doontaan goob ka caagan qashin, uskag iyo nadaafad-darro, waa muhiim in qiimeyn joogto ah lagu sameeyo saha ay ku sugan yihiin iyo marxaladaha ay ku howlgalaan isbitaallada.
Haddiise aysan taasi dhicin, isbitaalladeennu waxay ku aroorayaan tixda hees ku jirtay Ruwaayaddii Shabeel Naagood oo oranaysay; “Haddii dawo bukooto maxaa lagu dabiibaa?!”
Qore; Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir; hiraal86@gmail.com.
F.G: Sawir kuu muuqda ma ahan isbitaalka laga hadlayo ama ay warbixintani gaar ugu saabsan tahay.
You must log in to post a comment.