crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Biyaha Faraxalka iyo Suuliga hadda dib ayaa loo isticmaalayaa! | HimiloNetwork

Biyaha Faraxalka iyo Suuliga hadda dib ayaa loo isticmaalayaa!

BRUSSELS (HN) — Si daaha looga rogo hab cusub oo biyaha dib loogu isticmaali karo, maqaayad ku taalla Kuurne, dalka Biljamka ayaa cabitaan nadiif ah kasoo saaraysa biyaha loo adeegsado fara-xalka iyo suuliga.


Biyaha toddobaadkii dhawaa oo dhan loogu adeegay macmiisha maqaayadda ma laheyn ur iyo dhadhan ka duwan kuwii caadiga ahaa ee horay loogu adeegi jiray. Waana wax adag inay kugu soo dhacdo cabitaankaas inuu ka yimid suuliga ama faraxalka.

Iyada oo adeegsanaysa hab aad loogu kuur-galay oo si huban u kala miiraya walxaha wasaqda ilma-aragtida ah ee ku jira biyaha suuliga iyo farxalka, maqaayaddan ayaa awooday inay si fiican uga faa’iideysato adeegsiga biyaha mar kaliya la isticmaalo – balse aan dib loo isticmaalin.

“Biyaha la filtareeyo waa kuwo nadiif ah, waxaana kusii darnay macdan si aan badqabka u ilaalino,” ayuu yiri wakiilkooda.

Nuuc walba oo cabitaannada ah ayay biyahani u adeegsadaan sida shaaha, sharaabka iyo wixii la halmaala.

Marka loo eego Sudinfo, habka saxartirka biyaha ayaa loo adeegsaday si biyo loogu helo bulshooyinka ku nool goobaha fog, laakiin tijaabadan ayaa ugub ku ah qaaradda Yurub.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!