HomeDunida MuslimkaMuslim toddobaadle kabo cusub ugu qeybiya Darbi-jiifta.

Muslim toddobaadle kabo cusub ugu qeybiya Darbi-jiifta.

LONDON (HN) — Moosa Nsubuga, oo ah dhawaan Muslime ku nool Koofurta London, wuxuu beddelayaa dhaqanka ku dhisan ku deeqista alaabaha duuga ah, wuxuuna hadda darbi-jiifta ugu deeqaa kobo cusub oo ay xirtaan.

”Caqiidadayda Islaamku waa tan iga dhigtay inaan noqdo deeqsi dar Ilaahay wax u baxsada,” ayuu yiri Moosa. ”Waxaan sidoo kale ku dadaalay inay wadajir igala qeyb qaataan bulshada aan katirsanahay.”

”Waxaan hadiyo jeer isku xilqaamay inaan bixiyo hadyad tan ugu fiican oo qofkeenna dibjirka ah u qalmi karta.”

Sidaas darteed, Moosa ayaa bilaabay Resole oo ah dhaq-dhaqaaq bixiya adeeg samafal oo aan duug aheyn balse cusub.

Hadba kobaha jaadadkii ugu danbeeyey oo cusub ayay bixiyaan naadigiisu.

Toddobaadkiisa waxay bixiyaan joogag dhan 170 xabbo kuwaas oo saf dheer ay usoo galaan inay guddoomaan.

Wuxuu doonaya inuu dhaqdhaqaaqiisa ku baahiyo dalka oo dhan.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments