crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tababbaraha Elman oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Tababbaraha Elman oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Tababbaraha Kooxda Elman, Mayanja Roberio wuxuu ugu danbeyntii qaatay Diinta Islaamka kahor intaan la gelin salaadda Jimcaha ee Masjidka Saxaaba ee Muqdisho.

Mayanja oo ah hadda kaddib doortay in loogu yeero Ciise ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Uganda.

Shiikh Cabdilxayi Shiikh Adan oo ah Imamka Masjidka Saxaaba ayaa u qabtay Shahaadada. Boqollaal jamaacada Masjidka kamid ah ayaa u istaagay inay qalbi furan iyo farxad ku qaabilaan.

Marka loo eego Xuseen Maxamed Xuseen, oo ah suxufi madax-bannaan, kaas oo bartiisa soo dhigay warbixintan, Mayara ayaa iskiis u qaatay Islaamka. Waxaana Masjidka usoo raacay maamulka Kooxda Elman.

Balse ilaa hadda majirto ilo ka madax-bannaan Xuseen, oo Shabakadda Himilo u xaqiijin kara. Hayeeshe, haddii ay dhacdo inuu qaatay Islaamka, Mayanja ayaa ku biiri doona tiro kale oo – dalka yimid iyaga oo aan Muslim aheyn – laakiin qaatay Islaamka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!