crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin sabab yaab leh u dhaca fadhiga baaskiillada oo la ogaaday! | HimiloNetwork

Nin sabab yaab leh u dhaca fadhiga baaskiillada oo la ogaaday!

MUQDISHO (HN) — 61 jir Japan u dhashay ayaa boolisku xiray dhawaan kaddib markii lagu helay inuu xaday 169 fadhiyada baaskiillada ah – si uu markiisa uga aarguto kuwii kiisa ka xaday sannad kahor.


Akio Hatori, oo ku nool Ota Ward waxay kaamirooyinku qabanayeen dhawaanahan isaga oo fuqsanaya fadhiyada baaskiillada. Wuxuuna hadda kasoo muuqday maxkamadda horteeda.

Warka sheekadiisa ayaa soo shaac baxay toddobaadkii hore markii uu fuqsaday fadhiga baaskiil ninkii lahaa uu arkay isaga oo ku jira falkan xatooyada ah. Markii boolisku ay daba-gal ku sameeyeen si ay ay u ogaadaan sababta uu fadhiga baaskiilka u xaday, booliska ayaa la amakaagay inay gurigiisa ugu tageen fadhiyo badan oo sidan oo kale uu u fuqsaday.

Markii la weydiiyay sababta, Hatori wuxuu sheegay inuu aar-gudanayo fal xatooyo oo looga fuqsaday fadhiga baaskiilkiisa sannadkii hore.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!