BEIJING (HN) — Warbaahinta Shiinaha ayaa hadal-heysa sheekada gabar 7 jir ah oo calaamadaha qaangaarnimada ay kasoo baxeen – kaddib markii sida la sheegay inay si joogto ah ugu seexan jirtay nalka oo u daaran habeen walba.
Dandan, oo 7 jir ah, waxaa aad ula yaabay hooyadeed oo dareentay inay gabadheedu aad uga dheeraaneyso gabdhaha kale muddo sannad gudihiisa ah. Waxayna aheyd maalmo kahor markii – iyada oo u qubeynaysa – ay dareentay in inanteedu ay usoo baxeen horaaddo ‘naaso’. Ogaanshaha inay wax ka qaldan yihiin xaaladda inanteeda, hooyadan ayaa markii ay ula carartay isbitaalka waxaa loo sheegay in gabadheeda ay – sida caadada ah – saddex sanno kasoo hormartay waqtigeedii qaangaarka oo hadda ay koreen hormone-keeda dhedignimada.
Dhaqaatiirta ayaa u sheegay in ku jiifsiga badan ee leerka waqtiga habeenkii ah ay ugu wacan tahay koriimaa degdega ah ee inanteeda kasoo muuqatay, kaddib markii ay ururiyeen xogaha nololeed iyo qaabka ay u jiifsato.
Markii hore dhaqaatiirta waxaa ku adkeyd inay jid u furaan sababta la yaabka leh ee inantani ku qaan-gaartay.
Hooyada ayaa sheegtay inay hadiyo jeer jeclaayeen inay gabadhoodu noqoto mid xor ah oo qolkeeda u madax bannaan. Taasina waxay keentay in gabadhu ay mugdiga ka dido; oo ay jiifsato leerka oo ku shidan.
‘Metalonin’ ama kobaca unugyada iyo koriimadooda xilliga habeenkii aad buu u sarreeyaa. Ileyska badan ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb weyn kasii qaadan karo inuu tarmiyo awoodda kobaca unugyada carruurta siiba habeenkii.

You must log in to post a comment.