crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekadii Shimbirkii Saaxiib dhow la noqday Ninkii u sama-falay! | HimiloNetwork

Sheekadii Shimbirkii Saaxiib dhow la noqday Ninkii u sama-falay!

MUQDISHO (HN) — Nin Hindi ah oo ku nool gobalka Uttar Pradesh ayaa noqday qof caan ka ah deegaankiisa kaddib markii shimbirweyn oo uu hadda kahor badbaadiyay ay la noqotay saaxiib dhab ah.

Mohammed Arif, oo ah beeralay wuxuu arkay shinbirtan oo lug ka dhaawacan oo aad u dhiig baxaysa, wuxuuna karaankiisa ku dadaalay inaanu kaliya dhiig joojin u sameynin, balse uu siiyo daryeel buuxa.

Aad bay u dareemeysay shinbirtan xanuun la fahmi karo. Laakiin dhowr maalmood un markii ay heleysay baxnaanadiisa, way ka bogsatay xanuunkii. Laakiin halkii laga filayay inay isaga noqoto halkii ay markii hore ka timid, shinbirtan ayaa noqotay saaxiib hadiyo jeer la jirta Mohamed Arif – oo ah badbaadiyaheeda.

Shinbiro kale oo guryo-joog ah ayay iskala qabsatay maalmihii lala tacaalayay, balse marwalba oo ay aragto Maxamed way usoo roori jirtay. Si kastaba, markii ay ka bogsatay dhaawicii oo laga filayay inay u guryo-noqoto rugtii ay awal ka timid, Shimbirtan ayaa dooratay inay hadiyo jeer dhiniciisa joogto Maxamed Arif.

Mana ahan oo kaliya guriga halka ay ku wehliso. Xattaa beertiisa ayay u raacdaa. Waxayna la cuntaa raashiinka loo keeno. Xattaa hadii uu ku baxo mooto, shimbirtan ayaa awoodi karta inay ka daba-oroddo masaafo dhan 30-40 km/h.

“Meelo kala duwan ayaa u baxaa maalinkii, waxaana la-yaab leh in shimbirtan ay igu wehliso goob walba oo ay celcelis dhan 40-50 km ila socoto,” ayuu yiri.

Laakiin dadka kale ee guriga ku nool – sida xaaskiisa iyo ilmihiisa – kuma dhacaan inay u dhawaadaan iskaba daa inay la noqdaan saaxiib.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!