MUQDISHO (HN) — Diyaargarowga maalmaha quruxda iyo barakada leh ee bisha Ramadaan waxaa laga dareemayaa meelo badan oo ay kamid tahay Dearborn oo dadka Muslimiinta u meelneynaya goob ay ku cunaan Suxuurta.
“Waxaan dhidibada u taagnay teendhooyinkii iyo adeegyadii kale oo qaboojiyaasha ahaa oo aan ugu tala-galnay Suxuurta,” ayuu yiri Hassan Chami
Si fudud ayuu qofka saa’imka ah u helayaa meel uu ku cuno suxuurta oo wadajir ay iskula fadhinayaan Muslimiinta kale ee walaalihiisa ah.
In kasta oo adeegga Suxuurta loogu tala-galay kaliya dadka sooman, haddana kuwa kale ee baahan oo heysta diimaha kale – kuwaas oo ku dibjira waddooyinka iyaga oo gaajoon – waxaa u furan albaabada.
You must log in to post a comment.