crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Chelsea oo afur-wadareed u sameynaysa bisha Ramadan Muslimiinta | HimiloNetwork

Chelsea oo afur-wadareed u sameynaysa bisha Ramadan Muslimiinta

MUQDISHO (HN) — Bisha Ramadan waxaa sannadkan la filayaa inay bilato 23 bisha March, waxaana sida caadada ah la filayaa in la qabto bandhigyo waaweyn oo afur wadareedyo ah oo ka kala dhici doona dunida dacaladeeda.

Kooxda cayaarta horyaalka EPL ee Chelsea ayaa si kastaba qorsheynaysa inay qabato afur ballaaran maalinta 26 March.

Qoraal lasoo dhigay mareegta kooxda ayaa lagu sheegay in Chelsea ay diyaarinayso afur wadareed ka dhaca garoonka Stamford Bridge kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey oo koox ka dhisan horyaalka England ay garoonkeeda ku qabato.

“Jamaacada masaajidda, ardayda, taageerayaasha Muslimiinta ah ee kooxda iyo shaqaalaheeda ayaa ka qeyb noqon doona marti-qaadka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxa kooxda Chelsea, Simon Taylor ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin diyaarinta afur-wadareedkaas.

In kasta oo Chelsea ay noqotay kooxdii koowaad oo afur wadareed u sameysa Muslimiinta, haddana ma ahan naadiga kaliya oo garoonka u balaqda. Sannadihii dhawaa, naadiga Blackburn Rovers ayaa salaadda ciidda Muslimiinta u oggolaanaysay inay ku oogaan garoonkeeda.

Bisha Soonqaadka waxaa la filayaa inay socoto laga bilaabo 22 March ilaa laga gaaro 21 April. Cayaartoy badan oo Muslimiin ah ayaa u cayaara kooxda Chelsea sida Hakim Ziyach iyo Konte.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!