crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta loo qoray Buugga Haldoorrada Haweenkeenna. | HimiloNetwork

Sababta loo qoray Buugga Haldoorrada Haweenkeenna.

MUQDISHO (HN) — Dood kama jirto in haweenkeennu yihiin halbowlayaasha nolosheenna. Mar waa warshadihii aadmiga soo saarayay: mar kalana, waa macalimiintii ubadkeenna barayay anshaxa suuban, afka iyo hiddaha. Sidaas darteed, haddii aynu dooneyno inaan dunida raadeyno oo aan noqonno umad asaageeda wax la qeybsata, waa muhiim inaan ku baraarugno dumarkeenna kaalmada iyo kabka noo ah.

Sannad kasta 8 March ayaa loo asteeyaa in la weyneeyo kaalinta dumarweynaha adduunka. Haweenka Soomaaliyeed waxay u yihiin horyaal. Sababta oo ah, waxay si dhab ah oo aanay cidna dafiri Karin u buuxiyeen kaalin walba oo ka bannaanneyd nolosheenna dhaqandhaqaale.

Hooyooyinkeennu waxay isugu jiraan kuwa la kulma dhibaatooyin muuqda iyo in yar oo ku raaxaysta fursadaha aasaasiga ah. Doorkooduna wuxuu taniyo muddaba ahaa mid muuqda siiba sanadihii burburka oo ay dhexda u xirteen daryeelka iyo buuxinta kaalintii kaga aadaneyd qoysaskooda.

Waxay, dhabtii, si aan la xusin u yihiin sirta qarsoon ee ku guuleystay soo saarista jiilasha maanta jaamiciyiinta ah ee ku dhashay xilli kala carar iyo fawdo ah. Hubaashiina, gef ma ahan in la yiraahdo waa iyaga oo kaliya kuwa badbaado u noqday umadda Soomaaliyeed ee kala baqa ku kala irdhoobay.

Walina waa kuwo aan ka daaleyn – inta karaankooda ah – inay ka shaqeeyaan dowladnimada, wada noolaanshaha, iyo isdhexgalka bulshada. Waa caadyaal in diinteennu 1400 oo sano kahor ay xaqooda siisay haweenka Muslimiinta ah si cadna ay meel sare u dhigtay doorka ay ku leeyihiin Mujtamaca Islaamka. Waxaana ay taasi dhalisay in haween badan oo Muslimiin ah ay taariikhda Islaamka baal dahabi ah ka galaan sida Fatima al-Fihri oo noqotay Gabadhii ugu horreysay oo Muslimad ah oo Jaamacad aas-aasta.

Dumarka Soomaaliyeedna waxay ahaayeen lamid. Balse mar walba waxaa su’aali ka taagneyd haddii abaalka iyo halganka ay dalka iyo dadka ku bixiyeen loo qirsan yahay.

Laakiin maanta waa maalin aan iskaga nimid inaan isla eegno kaalmaha dahabiga oo ay ku dhex leeyihiin taariikhda iyo guulaha ay gaarsiiyeen ina rageedka ay dhaleen, u dhaxeen, lana dhasheen.

Waa dharaar kale oo qurux badan oo rajo u iftiiminaya ku baraaruga iyo qiimeynta kaalinta ay nagu leeyihiin haweenkeenna kuwaas oo inta badan aan helin madal iyo waqti lagu falan-qeeyo doorarkooda qaaliga ah.

Waxaana filaynaa in Bandhiga Baalfurka Buuggan aanu ugu magac-darnay Hal-doorrada Haweenkeenna uu abuuri doono fikir iyo tala-wadaag habboon oo sal-dhig u noqda garashada saxda iyo waajibaadka diiniga oo haweenkeenna loo duudsiiyay dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan in waxqabadkooda la weyneeyo.

Waad mahadsan tihiin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!