crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Malabka Buluugga ee Shinnida Maraykanku sameyso | HimiloNetwork

Malabka Buluugga ee Shinnida Maraykanku sameyso

MUQDISHO (HN) — Dadka dhaqda Shinnida ee ku nool gobalka Waqooyiga Carolina ee dalka Maraykanka ayaa la-yaaban sida malabka ay dhasho Shinnida ay dhaqdaan uu ku noqday mid midabkiisu lafcir ama buluug xigeen yahay.

Manka iyo ubaxa ay siyaarato shinnidu si ay malab uga sameyso waxaa la fahamsan yahay inaysan xad lahayn oo ugu yaraan ay booqato geed walba oo ifka dushiisa ka baxa. Waxaa kale oo xaqiiqo ah inay jiraan dhowr nuuc oo malabku u kala baxo – dhadhanka iyo midabka intaba. Laakiin waa markii koowaad oo malab midabkiisu buluug lagu arko meel kamid ah dunida.

Kolonyada ama raxanta Shinnidu waxay inta badan ku nooshahay meelaha ka fog fara-gelinta aadanaha iyo deegaamaysiga sida buuraha, iyo geedaha duurka ku yaalla. Inta yar ee u go’da dhaqashadeeda ayaa hadda ku wareersan jaadkan mar la’aragga ah ee malabka.

Laakiin dadka Corolina ayaa sheegaya in nuucan malabka ah uu hadda magaalada ka noqonayo midka loogu doonista badan yahay malabka intiisa kale.

Waxaase aad u kooban tirada laga heli karo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!