MUQDISHO (HN) — Xilli dhawaan uu furmay horyaalka England, Blackburn Rovers ayaa ku dhawaaqday inay furtay goob ay salaadda ku tukadaan taageerayaashooda Muslimiinta ah ee usoo daawasho taga garoonkeeda.
Dhawaaqa ayaa yimid kahor kulankii ay la yeesheen naadiga Hartlepool United oo katirsanaa koobka Carabao Cup.
War qoraal ah oo lasoo dhigay bartooda twitter-ka ayaa u qornaa sidatan: “Walaalaha Muslimiinta ah ee taageera naadiga Blackburn Rovers waxan ku wargelinaynaa inaan u sameynay goob ay ku oogi karaan jamaca salaadda Maghrib. Waxaa idinku kugu diyaara imaam salaadda idin ka bixiya.
Hafiz Zayd oo ah imaamka masjidka yaraha wuxuu sidoo kale kooxda u qaabilsan yahay bixinta tikidhada lagu soo galayo garoonka.
Si kastaba, tallaabta ay kooxdani sameysay waxaa aad loogu bogaadiyay baraha bulshada halkaas oo amaan iyo hambalyo loogu mariyay.
You must log in to post a comment.