crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lo’da ku dayacan Jidadka iyo Laamiyada Caasimadda + Sawirro. | HimiloNetwork

Lo’da ku dayacan Jidadka iyo Laamiyada Caasimadda + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Uma baahnid inaad sugtid waqti cayiman si aad lo’ fadhida jidadka iyo laamiyada caasimadda aad u aragtid. 24-ka saac maalin walba ayay tuban yihiin waddooyinka. Halkan ayaa u ah hoy – hungurina waxay ka dhigtaan calafka iyo qaraabka kale oo ay ka gurubsadaan dhulka.

Sidaas oo ay tahayna, ma ahan dad la’aan. Kuwii lahaana ma mooga halka ay joogaan. Dharaar walba waxay qeyb ka yihiin saxmadda iyo ciriiriga ka jira laamiyada caasimadda. Waxay mararka qaar hakad muuqda geliyaan gaadiid dadweynaha.

Waxaa intaas dheer inay yihiin sabab kamid sababaha nadaafad-darrida iyo wasaqda ugu wacan caasimadda Muqdisho – maadaama saaladooda ama saxaradooda ay dhex tuuraan waddooyinka.

Qaar badan ayaa u dhinta qabsin-oodka caloosha oo ku sababay cunista bacaha balaastikada ee lagu soo dhex rido cunnooyinka la nacay ee la iska soo fogeeyo. Qaar kale waxaa jidadka ku jiira baabuurta waaweyn iyo gaadiidka dadweynaha.

Laba jeer oo qura ayay lo’dani la kulantaa dadkii lahaa. Mar waa kolka ay dhasho. Marka kalana, waa kolka ay dhimato si ay magteeda uga qaataan kuwii dilay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u muuqda inuu gebi ahaanba iska indha-tiray xal-u-helidda mushkiladdan. Sannadkii 2016-ka ayay ahayd markii ugu horreysay oo maamulka sheegay inuu sameeyey goob loogu tala-galay in lagu xereeyo xoolaha ku dayacan jidadka caasimadda – iyada oo isla mar ahaantaana la ganaaxayo dadka mulkiyadooda iska leh.

Laakiin farriintaasu sooma dhaafin xafiiska gobalka maalmo kadib. Shan sanno kaddib, lo’ ku dibjirta waddooyinka caasimadda way ka tiro badan yihiin sidii hore kana halis iyo dhibaato badan yihiin madaama magaaladu dhismayso – baabuurtana ay soo badanayaan.

Waa nugul abuur ahaan lo’du umana adkeysan karto haraadka iyo gaajada. Laakiin kuwa nasiibkoodu xumaaday ee ku nool Muqdisho hadda waxaa intaas usii dheer halis kale oo joogto ah. Waana daranyada, darxumida iyo dibindaabyada ay kala kulmaan dowladda hoose ee Xamar, darawallada gaadiidleyda iyo dabcan kuwii lahaa ee dayacay mas’uuliyadoodii Alle ku waajibiyay.

Maamulka gobalka Banaadir oo mas’uuliyadda ugu badan ay fuulayso waxaa u furan labo doorasho oo kala ah: inay aqbalaan xilkii ka saarnaa oo ay gabeen; ama ay xal-waara oo loo aayo u sameeyaan badbaadada iyo nolosha lo’dan kuwaas oo dhibaato iyaga u gaar ah iyo mid ay bulshada ku hayaanba maalin walba la nool.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!