crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dalai Lama: Nabi Mohamed waa Tusaalaha Nabadda iyo Jaceylka | HimiloNetwork

Dalai Lama: Nabi Mohamed waa Tusaalaha Nabadda iyo Jaceylka

Muqdisho (Himilonews) – Hoggaamiye diimeed Tibetan Dalai Lama kaas oo sidoo kale heysta tilmaanta nabadeed ee Nobel Laureate, ayaa ku sheegay Qur’anka mid xagga Eebe ka yimid–hanuunna u ah Aadanaha oo dhan.
Marka loo eego Muslimiinta Karnataka, hoggaamiyahan ayaa hadalkan ka sheegay kulan isu-imaatinka Buudiska oo ka dhacay Mysore. Wuxuu sidoo kale xusay kaalintii uu Suubaha NNKH ku lahaa dunida. Wuxuu yiri: “Nolosha Mohamed waa tusaalaha ugu fiican ee Aadanuhu ku dhaqmi karo.”
“Waa inaynu raacna jidka Nabi Mohamed si aan u yagleelno dunida nabad ah oo ka fiyow argagaxiso iyo kali-talisnimo. Tusaalaha nabadeed, jaceyl, dulqaad, wada noolaansho ee uu Mohamed dunida kusoo kordhay, waxay mar kasta billadaye u yihiin Aadanaha nool xilli kasta,” ayuu sii raaciyay. 
Kumaankun Buudis ah ayaa isugu yimid kulan sanadeed ka dhacay Mysore ee  Bylakuppa, sida ay tilmaamayaan Muslimiinta Karnataka. 
Hoggaamiye diimeedkan ayaa helay nuqul kamid ah Qur’anka oo ku turjuman afka Ingiriiska. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews.com
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!