MUQDISHO (HN) — Marwalba oo caafimaadka iyo nimcooyinka Ilaahay uu ku manneystay uu tirin waayo, Yuusuf Muuse Cumar wuxuu badiyaa mahad naqa iyo alla-bariga. Laakiin goorta uu usoo baxo jidadka magaalada ayuu dareemaa inuu tabayo wax ka maqan iyo inay wax ka kala dhantaalan yihiin muuqiisa.
Micno malahan wax walba oo loogu yeeri jiray Yuusuf, yaraantiisa wuxuu jeclaa cayaarta kubadda cagta.
“Xaafad xaafad ayaa loo cayaari jiray, waxaana ahaa mid kooxdiisa boos walba uga dheela,” ayuu yiri. “Waxayna iigu yeeri jireen Yaxye tuurre.”
Waa dhowr iyo 20 jir taniyo yaraantiisa ay ku tiillay goobbo ama tuur. Waana dadka fara ku tiriska ee Soomaaliyeed oo loogu yeero goobbe kuwaas oo bulshada kala kulma inta badan faquuq ama aflagaado. Ka Yuusuf ahaan, marwalba oo uu sii weynaadaba, wuxuu helayay fiiro gaar ah iyo tix-gelin goonni ah siiba marka ay timaado wax-barashada.
“Waxaan helay saaxiibo igu taageera hadafkayga wax-barashada; macalimiintayduna waa kuwo si naxariis leh iila dhaqma,” ayuu yiri. “Waxay isiiyaan mudnaan iyo fiiro gooni ah.”
Laakiin meel walba oo u tagaba kama helin soo dhaweyn iyo qaddarin. Yuusuf oo hadda ku jira sanandka saddexaad ee kulliyadda sharciga iyo qanuunka, wuxuu qeybta ugu adag la-dhaqanka bulshada ku tilmaamay marka ay timaado doonashada shaqooyinka iyo la kulanka mas’uuliyiinta shirkadaha.
“Mararka qaar adiga oo buuxiyay dhammaanba shuruudaha shaqo-qorista ayaa markii lagu arko lagaa gaabsanayaa – dabcan waxaa la ii arkayaa qof naafo ah oo aan wax badan malaha soo kordhin Karin.”
Balse dhibta heysata waxay mararka qaar naftiisa u horseedaa halis muuqata sida in laga shakiyo waxa dushiisa saaran. Mana ahan dhacdo oo qura. Inta badan wuxuu ku qasbanaadaa inuu isku faahfaahiyo laamaha amniga. Dhacdooyinkii uu kala kulmayna, middaan ayaa ugu saameyn badneyd.
“Waxaa la igu qasbay inaan shaarkayga siibo si aan u muujiyo inaan dusha ku sidan qarax, balse ay tahay tuur ama goobo igu taalla,” ayuu si qiiro leh u yiri.
Toddobaadkii tagay ayuu bartiisa facebook soo dhigay qoraal iyo sawir isla socda oo uu asxaabta ku xiran ku weydiisanayo inay ugu duceeyaan la kulanka dhaqtar Masri ah oo ku gaaroobay sida loo daweeyo goobada ama tuurta. Waxaana uu taabtay quluubtooda.
“Hadafkaygu wuxuu ahaa in kaliya la iigu duceeyo gaaridda yoolkaas iyo inaan helo dhiirri-gelinta saaxiibadayda,” ayuu yiri.
Qof ahaan waa qof bashaash ah oo xifaalaha saaxiibadiisa iyo ku dhex jirkooda ku raaxaysta. Waxaana uu u arkaa raasumaalka ugu muhiimsan. Hayeeshe, wuxuu ku warwarayaa maalmo dhaama maanta oo usoo socda mustaqbalka. Haddase ma hayo wax shaqo ah. Wuxuu doonayaa inuu noqdo nin qarankiisa u shaqeeya.
“Qof qarankiisa u adeegaya inaad tahay waa sharaf, waxayna ku siinaysaa damaanad,” ayuu yiri.
Soomaaliya dadka goobada leh iyo kuwa indhaha cawiran waa dhibanayaasha inta badan lagu takooro abuurka Eebbe waxaana badankooda ay gaar uga baxaan bulshada inteeda kale. Laakiin Yuusuf wuxuu tusaale u yahay in ku qancidda amarka Alle ay tahay sababta koowaad ee tubta guusha.
Qore: Maxamed Qadar Abdi.
Kala xiriir; khadarcade2018@gmail.com
You must log in to post a comment.