MUQDISHO (HN) — Shermon Burgess, oo kamid ah dadka si adag ugu ol’oleeya Islaam-naceybka gudaha Australia – horayna hoggaan uga ahaa Xisbiga Xagjirka ah ee United Patriots Front – ayaa qaatay diinta Islaamka.
Waxaa aad usoo jiitay sida Islaamku meel adag oo muuqata uu uga istaagay foolxumada ku baahaysa Galbeedka sida ragga isku hawooda iyo wixii la halmaala.
“Islaamku waa diin saxar la’ oo si toos ah ugu xiran Alle. Reer Galbeedka waxaa ka lumay jidkii saxda ahaa; dadkooduna waxay walaaca iyo warwarka heysta kaga dhuuntaan cabidda qamriga, dhillaysiga iyo dibjirnimada,” ayuu yiri.
“Islaamku taas lidkeeda ayuu kugu nooleeyaa; wuxuuna ku siinayaa xasilooni iyo qanaaco dhab ah oo aad kaga badbaadi karto dhibaatooyinka dunida saaran,” ayuu sii raaciyay.
Burgess wuxuu qabsaday hadalheynta sannadkii 2010 markii uu xubin ka noqday xibsiga uu hadda ka ahaa guddoomiye. Dhowr dibadbaxyo ah oo ka dhan ah Islaamka ayuu abaabulay. Wuxuuna ahaa mid si cad uga soo horjeeda diinta Islaamka. Waxaana ku xiran kumanaan qofood bartiisa.
Hadda waxaa bartiisa u saaran sawir laga qaaday markii uu ku dhawaaqayay kalmadda Tawxiidka. Xubno kala tirsanaa xisbigiisa ayaa duray go’aankiisa iyaga oo ku eedeeyey balanfuryo.
You must log in to post a comment.