crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mudane Madaxweyne – Caddaaladda iigu hiilli ! | HimiloNetwork

Mudane Madaxweyne – Caddaaladda iigu hiilli !

MUQDISHO (HN) — Farriin ku socota madaxda sare ee dalka iyo midka gobalka ayuu agaasimaha Shabakadda Himilo, Zaki Hiraale, halkan nagula wadaagayaa. Wuxuuna dhambaalku u dhigmayaa sidatan:

Salaamu-caleykum Bahda Saxaafadda.

           Ku socota Hoggaanka ugu sarreeya dalka iyo kan Gobalka Banaadir:

Mudane Madaxweyne, waxaan kuusoo qorayaa dhambaalkan aniga oo kurejo weyn inaad baaqayga ajiibto oo aad isiiso cadaalad shuruud la’aan ah. Waxaana quudaraynayaa inaad iigu hiilin doontid cadaaladda.

Mudane Madaxweyne, waxaan ahay muwaadin aan weligiis wax u dhimin xasiloonida iyo jiritaanka qaranimada dalka. Waana inta ugu yar oo dowladnimadu iiga baahneyd. Laakiin cadaaladda oo ah waxa ugu yar oo muwaadinka Soomaaliyeed ka fisho dowladiisa kama helin bilooyinkii lasoo dhaafay dowladda hoose ee Xamar.

Mudane Madaxweyne, waxaan dhisan kari la’ahay dhulkayga oo ay iigu dhan yihiin dhammaanba dukementiyadii muujinayay lanaashiyaha iyo milkiyadda – waxaana iga hortaagan shaqsiyaad isbahaeystay oo ka faa’iidaya musuqmaasuq dalka ka jira kuwaas oo lacago ku bixinaya sidii dhulkayga la ii dhaafin lahaa.

Mudane Madaxweyne, meeshii ay ahayd in sharcigu dadka oo dhan ka wada sarreeyo, nasiibdarro wuxuu sharcigu noqday aalad loogu adeego kuwa lacagta heysta – sidaas darteed ayay iigu adkaatay inaan cadaalad helo.

Mudane Madaxweyne, ma ahan sir qarsoon in cadaaladdu noqotay mid jeebka ugu jirta dad gaar ah oo magac dowladeed wata kuwaas oo qiimihii ay doonayaan kaaga iibsada. Markii si kastaba la igu qasbay inaan xaqayga ku raadsado xaqdarro iyo laaluush, waxaa iiga baxday lacag adag, waqti iyo dadaal aan miro dhalin. Lix bilood kaddib maanta, waxaan soo hor istaagay adiga iyo shacabka Soomaaliyeed si aan idin dareensiiyo xaddiga dhibta aan kala kulmay cadaalad-darrida la igula kacay.

Mudane Madaxweyne, adduun intii ka baxsaneyd masruufka reerkayga wuxuu iiga baxay laaluush iyo musuqmasuq, haddii aan mar kale isku dayo inaan dowladda hoose ka raadsado cadaaladna, waxaan ka baqayaa inaan u dhaco masruufka reerka iyo caanaha carruurta. Waayo mahubo inaan soo helayo cadaalad lacag la’aan ah.

Mudane Madaxweyne, guri kiro ah ayaan ku qasbanaaday inaan dadkayga – oo kasoo qaxay colaado – aan dejiyo markii la iga hor istaagay inaan gurigayga dhisto la iiguna awood sheegtay gacanta dowladda.

Mudane Madaxweyne, mar hore ayaan ka quustay inaan ka quusto waddankayga. Waxaana iga heysa lexjeclo badan. Laakiin marwalba oo aan xafiisyada qaranka looga adeego aan tago, waxaan kala soo noqdaa quus iyo niyadxumi. Waxase aan tuhmayaa inaadan wax badan kala socon dib u socodka ku jira maamulka dowladda kuwaas oo sidii gafanayaasha u jaqa dhiigga umadda kuna xaragooda xilalka loo magacaabo.

Mudane Madaxweyne, baaqaygu ma ahan shuruud iyo xalxiraale aan kusoo hordhigayo. Waa xaq iga maqan oo aad u dhaaratay oo aan kaaga fadhiyo inaad ii fuliso.

Mudane Madaxweyne, nabaddu ma ahan inaysan jirin colaado. Micnaha dhabta ah ee nabaddu waa jiritaanka cadaaladda. Waana baahida ugu weyn oo ina heysta maanta haddii aan nahay shacbiga Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne, haddii ay farriintayda jiif kuugu timaado, fadlan usoo fadhiiso. Haddii ay fadhi kuugu timaado, fadlan iisoo istaag. Iigu hiilli cadaaladda. Waayo iyada oo kaliya ayaan maanta uga baahanahay dowladnimada. Waxaana filashadaydu tahay inaad sida ugu dhaqsiyaha badan iigu cadaalad fasho.

Muwaadin u hoganaya canaantaada.

Nabadgalyo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!