crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> SpoGomi – Cayaarta ‘Qashinka Ururinta’ ee Abaalmarinta looga helo gudaha Japan. | HimiloNetwork

SpoGomi – Cayaarta ‘Qashinka Ururinta’ ee Abaalmarinta looga helo gudaha Japan.

MUQDISHO (HN) — SpoGomi waa cayaar asalkeedu yahay ururinta qashinka oo tartamayaasha ay u kala dheereeyaan soo gurbinta iyo ururinta qashinka daadsan ama tuban meel cayiman oo jidadka magaalada kamid ah. Waxaana markii ugu horreysay uu tartanka noqon doonaa mid caalami ah oo la qaban doono bisha November ee sannadkan 2023. Waxaana loogu yeeri doonaa SpoGomi World Cup.

Magaca SpoGomi wuxuu u taagan yahay isboorti iyo gomi oo ah qashinka afka Japanka.

Koox walba waxaa la siinaya 60 daqiiqo ama saacad ay kusoo ururiyaan ama gurbiyaan qashinka yaalla meelaha qarsoon iyo hareeraha jidadka waxaana lasoo qaadaya nuuc walba oo kamid ah qashinka sida bacaha, caagadaha iyo wixii la halmaala. Markii uu dhammaado waqtiga, koox walba waxaa laga cabiraa inta kilo oo ay soo ururiyeen – waxaana aalaaba guuleysta midka ugu badan ee soo ururiya qashinka.

Mararka qaar, guuleystayaasha waxaa lagu qiimeeya hadba qashinka ay keenaan sida kurtumada sigaarka iyo wixii la halmaala.

Waa hab cayaareedkii ugu horreeyey oo deegaan la jaal ah kaas oo wax weyn ka anfacaya wax u qabashada arlada iyo hab nololeedka deegaanka. Dadka Japan ayaa ku caan ah nadiifinta goob walba oo ay tagaan. Taniyo markii xulkooda bilaabay inuu kamid noqdo tartanka koobka adduunka sannadkii 1998, taageerayaasha Japan ayaa ku caan ahaa inay nadiifiyaan garoomada iyo qolalka ay seexaneeyn intii tartanku socday.

Kooxahan ka qeybgalaya tartankan ayaa halku-dheg ka dhigta qashinka qaadidu waa cayaar kamid ah cayaaraha. Laakiin kama ahan oo kaliya ka qeybgalayaasha helidda hadyado iyo abaalmarin. Waa hadaf kale oo ah ilaalinta iyo bedqabka deegaanka iyo horumarinta bilicda iyo quruxda magaalada. Wadajir u wada howlgeliduna waxay ka caawinaysaa inay waqti hufan oo aan daal badan iyo caajis lahayn kaga qeybgalaan tartanka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!