crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wiilkii – si uu u guursado Muslimad uu jeclaaday awgeed – diinta ugu soo biiray. | HimiloNetwork

Wiilkii – si uu u guursado Muslimad uu jeclaaday awgeed – diinta ugu soo biiray.

MUQDISHO (HN) — Markii Bogart Lamprey uu labadiisa waalid u sheegay inuu qaatay Islaamka, runtii aad ulama dhicin go’aankiisa.


“Waxay moodayeen inaan ku biirayo ISIS ama al-Qaacida,” ayuu yiri. “Mana faraxsaneyn.”

Balse in kasta oo waalidkiisu ka laba-labeeyeen go’aankiisa, sababta ka danbeysa Islaamnimadiisa, waa sheeko cajiib leh. Wuxuu jaceyl xad-dhaaf ah u qaaday Noora al-Maturi oo ah Muslimad Ciraaq kasoo jeeda, balse kusoo barbaartay Australia.

Qacdii ugu horreysay aragtideeda ayuu 32-jirkan jeclaaday Noora, hayeeshe marwalbaba wuxuu ogsoonaa inay jirto sabab isku diidi karta isku soo dhawaanshiyahooda. Diinta, dhaqanka iyo wixii la halmaala. Balse Bogart wuxuu go’aansaday inuu soo jibaaxo dhammaan caqabadaha horjoogsan kara hanashada jaceylkiisa. Wuxuuna bartay dhaqankeeda.

Ugu danbeyntii waxaa u rumowday riyadii uu jeclaa inuu maalin un la noolaado. Wuxuu guursaday Noora. Waxaana ay isku dhaleen ubad.

Kahor aqalkooda, waalidka Noora waxay isku dayi jireen inay tijaabiyaan heerka doonista Bogart ay la’eg tahay. Waxaana uu gabagabadii muujiyay inuu istaahilo guurka gabadhooda.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!