crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 61

Dunida Muslimka

Obama oo booqasho taariikhiga ku tagay Masjidka Baltimore ee Maraykanka.

Muqdisho (Himilonews) – Madaxweyne Obama ayaa booqasho rasmi ah ku sameeyey Masjid ku yaalla Baltimore isaga oo dhaleeceeyey naceybka ka dhanka ah Muslimiinta. Obama ayaa yimid xarunta bulshada Islaamka ee Baltimore subaxnimadii Arbacada oo ka kooban Masjid iyo madraso Islaami ah. “Inta badan Muslimiinta Maraykanka waxaa loo beegsadaa falalka ay dhigaan tira-yar oo kamid ah,” ayuu yiri Obama. “In diin ...

Read More »

Obama oo markii ugu horreysay booqanaya Masjid ku yaalla Maraykanka

Muqdisho (Himilonews) – Muslimiinta ku nool Maraykanka ayaa soo dhaweeyey dhawaqa ah in madaxweynaha Obama uu booqashadii koobaad ee rasmi ah uu ku sameyn doono Masjid kamid ah Masaajidda ku yaalla USA. Sanadka ugu danbeeya madaxtinimadiisa, madaxweyne Barack Obama wuxuu booqan doona Xarunta Bulshada Islaamka ee Baltimore maalinta Arbacada ah, marka loo eego Aqalka Cad.  “Anaga oo ku sugan xarunta bulshada ...

Read More »

Tajikistan oo laga mamnuucayo shacaa’irta iyo sunnada Islaamka

Muqdisho (Himilonews) – Madaxweynaha dalka Tajikistan Emomali Rahmon ayaa amray in iridaha la iskugu laabo dhamaan dukaamada iibiya xijaabyada ee dalkiisa. Waxaa kale oo Muslimiin badan lagu qabsay inay xiiraan garkooda. Haweenka, ayaa marka loo eego warbixin rasmi ah, waxaa lagu cadaadiyey inay iska qaadaan xijaabka. Waxaan oo dhami waxaa loo sameynayaa in laga foojignaado sida ay tilmaameen xagjirnimada kusii fidaysa ...

Read More »

Tartan Qur’aan aqriseed loo qabtay maxaabiista Gaalshiraha Garoowe

Garoowe, Puntland (Himilonews) – Jamciyada Wanaag farista iyo Xumaan reebidda oo ah Jamciyad ka shaqaysa Wacyi galinta Arimaha Bulshada gaar ahaan Ku baraarujinta arimaha Diinta iyo Taageeerida inta tababarta Daran waxay kulama Diini ah oo rajo celin ah u samaysay Maxaabiisat kala duwan ee ku jira Xabsiga wayn ee Magaalada Garoowe. Jamciyada ayaa u qabatay maxaabiista xabsiga wayn Garoowe tartar Qur’aan ...

Read More »

Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Australia–wax badan ka ogow!

Muqdisho (Himilonews) – Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Australia waxaa laga sameeyey gobolka Marree ee koofurta Australia sanadkii 1882-dii.  Sida laga dheehan karo taariikhda, tani waxay ka dhigan tahay waa qarnigii 17aad markii ugu horreysay ee raad Islaam lagu arko dhulka Australia.    Sida sawirka idin kaga muuqata, waxaa cad in Muslimiin geel dhaqato ah ay meeshan ku noolaayeen. ...

Read More »

Khilaafada Islaamka oo sheegtay inay dib u qabsan doonto Andalus–dalka Spain

Muqdisho (Himilonews) – Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee ISIS ayaa wacad ku martay inay weeraro ku qaadi doontp dalka Spain–iyaga oo ku hal-qabsanaya: Dib ayaynu ugala wareegi doonaa gaalada dhulkeenna. Kooxdan ayaa kol horaba ku baahisay soohdimaheeda dalalka leh tirada badan ee Muslimiinta bariga dhexe. Waxay sidoo kale sii deyday shax-qariiradeed muujinaysa meelaha ay qabsan doonto sida waqooyiga Afrika ...

Read More »

Khilaafada Islaamka oo sheegtay inay ka xoreyn doonto Muslimiinta Kashmiir gumeysiga Lo’-caabudada Hinduuga ah

Muqdisho (Himilonews) – Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ayaa ugu bishaareysay dadka reer Kashmiir inay ka xoreyn doonaan cadawga Lo-caabudada Hinduuga ah–oo ay maqli doonaan bogaadis iyo dhawaqyo beerka u qaboojiya, sida laga soo baahiyay.  Iyada oo soo xiganaysa 13-ka qodob oo ay kooxdu ku daabacdo wargeyskeeda, Deccan Herald ayaa u qoran sidatan: “Kashmiir iyo dhulalka ku hareeran waxay hoos ...

Read More »

Pope Francis oo yiri Islaamka, Yuhuudda iyo Kirishtaanka hal Ilaah ayay wada caabudaan!

Muqdisho (Himilonews) – Isaga oo booqanayey macbad Yuhuuddu leedahay oo ku yaalla Roma, Pop Francis wuxuu ka hadlay qalalaasaha, dagaallada iyo fad-qalalka dunida ka jira. Wuxuu sidoo kale xusay wax uu ku sheegay “Saddexda diimood ee isku Ilaahiga ah.”  “Dagaalka ninku ku qaado nin kale waa la isku maandhaafsan yahay gaar ahaan saddexda diimood ee samaawiga ah gudahooda–Islamka, Yuhuudda iyo ...

Read More »

Wiil dar Alle iyo Islaam jaceyl si fudud ugu gooyay gacantiisa

Muqdisho (Himilonews) – Kurey reer Pakistan ah ayaa gummadka gacantiisa gooyay kadib markii Khadiibka Masjidka uu si qaldan ugu eedeeyey inuu meel kaga dhacay diinta, sida uu CNN u sheegay sarkaal bileyska kamid ah. Mohamed Anwar, oo 15-jir ah kana soo jeeda degmada Hujra Shah Muqeem ee gobolka Punjab, waxay dadka deegaanka ku asteeyeen geesi ku dhaqaaqay fal naf-hurnimo, sarkaalka ...

Read More »

Indonesia oo Shareecada ku oogtay fal-danbiyeedyo bulsho

Muqdisho (Himilonews) – Gabar iyo wiil aan iskugu dhixin si sharci ah oo lagu helay iyaga oo si koodan ugu khalwoonaya meel gaar ah ayaa lagu dhangadeeyey fagaaraha Banda Aceh ee Indonesia, taas oo lagu salleeyey inay shareecada fad-qaleynayeen, sida uu sheegay sarkaal bileyska ka tirsan. Afar kale oo la jiray ayaa iyaga lala dhagadeeyey marka loo eego horfiiq bileyska ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!