Faa’iidooyinka laga helo cunista Baamiyaha
Posted by: Zakariya
in Kobciye
April 10, 2016
700 Views
Muqdisho, Soomaaliya (HIMILONEWS) – Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay Geedo Daaweedyada Cilmibaarista lagu sameeyay, wuxuuna leeyahay Faa’idooyinkaan soo socdo:-
SONKORTA/MACAANKA:- Baamiyuhu wuxuu ugu horeeyaa Geedaha lagu daaweeyo Xanuunka Macaanka, Cilmibaarayaal tiro badan ayaa Geedkaan Xoogga saaray si ay uga Salgaaraan qaabka uu Macaanka ula Dagaallamo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay Mustaqbalka Rajayn doonaan in Baamiyuhu gali doono Booska Daawada Kaniinnada Sokorta loo qaato, waxayna ku sameeyeen Diraasado aad u badan oo ku saabsan arrintaas, waxaana la arkay inuu Baamiyuhu jirka ku Caawiyo Kontaroolidda Sokorta, waxayna cilmibaarayaashu ku hanwayn yihiin inuu daawo mustaqbalka laga samayn doono taasoo Macaanka lagu xakameeyo, waxaana lagula taliyaa Dadka Sokorta qabo inay joogteeyaan Cunista Baamiyaha.
KOLESTAROOLKA:- Baamiyuhu wuxuu kaloo yareeyaa Dufanka Dhiigga ee loo yaqaano “Kolestaroolka” iyo Xeerta Fadhiisato jirka Qeybihiisa kala duwan sida Beerka oo iyadane loo yaqaano “Triglyceride”, waana Arrin cilmibaaris lagu arkay.
DHEEFSHIIDKA:- Baamiyuhu wuxuu u Wanaagsan yahay Dheefshiidka, Caloosha wuu jilciyaa, Mindhiciradane wuxuu ku Caawiyaa Qashin saarka, wuxuu kaloo ka Hortagaa Baawasiirka.
XIDIDDADA XANIBMO:- Baamiyaha waxaa ka buuxo Vitamiin C, kan oo ka hortago inuu Dhaawac gaaro Unguyada jirka Khaasatan Xididada.
LAFO-XANUUNKA & RIIXA:- Waxaa la Aaminsanaan jiray in Baamiyaha uusan Xiriir la lahayn Xanuunada kala goysyada ku Dhaco markii la baaray ka dib, laakiin waxaa la Ogaaday in markii la uumiyo Baamiyaha inay Dhasho maado loo yaqaano “Silicate” oo u Roon Kalagoysyo Xanuunka.
ARAGGA:- Baamiyaha wuxuu kaloo u Roonayahay Aragga iyo Caafimaadka Maqaarka, sababtuna waa Vitamin A oo ka buuxo iyo awooda “Antioxidant” oo ah Sunsaaraha oo sareysa.
CAAFIMAADKA UURKA:- Hooyooyinka Uurka leh waxaa loo qoraa Daawo la dhaho Folate ama Folic Acid, tan oo Caawiso Korriimada Uur jiifka, kana Hortagto inuu ku Dhasho iin haddii maadadaan ay jirka ku yaraato, sidaas awgeed Baamiyaaha waxaa ka buuxo maadada “Folate”, waxaana lagula taliyaa Hooyooyinka Uurka leh inay Badsadaan Baamiyaha si ay uga helaan Vitamiinno ku filan Korriinka Uurjiifka.
DHIIG KARKA:- Baamiyaha waxaa ku jira Maaddo loo yaqaano “Oleic acid” oo hoos u Dhigta Cadaadiska Dhiigga, maadadaan waxaa kaloo laga helaa Saliidda Saytuunka.
CAAABUQA DHUUNTA & SAMBBADA:- Baamiyaha wuxuu kaloo Daawo u yahay Xanuunda ku dhaca Dhuutan sida Quumanka iyo Infekshanka Sambabka ku dhaco sida Qabowga iyo Oof wareenka.
SIDEE LOO ISTICMAALAA BAAMIYAHA MARKII DAAWO AHAAN LOO QAADANAAYO ?
Markii la wareestay Dadka ku Daawoobay, waxay sheegeen in Qaabkaan ay u Isticmaaleen, Dhowr meel oo lagu Xusayo in qaabkaan loo Adeegsadane waan Arkay, waana sidatan:-
5 xabo oo Baamiyo ah, ka goy Afka hore iyo Afka dambe, kadib u jar qaab Dheerdheer, ka dib ku Rid Biyo Kulul oo ku Kari muddo 5 daqiiqo ah, ka dibna la Dhig isla Digsigaas ama Saxankaas Habeenkii oo idil, Subaxdii markaad soo Toostid, Cab Biyahaas, Baamiyuhu ku Milmay, kadibna isaga Cun, ugu yaraan waa in aad sidaa Samayso 10 maalmood, si aad wax iskaga garato. Dad badan oo sidaan sameeyay waxay sheegeen in Sokorta ka Kontarooleen, Xanuuanda Lafaha iyo Kalagoysyadane inay kaga Caafimaadeen.
Waxaa la sheegaa in baamiyuhu uu leeyahay faa’idooyin intaa ka badan, laakiin kuwa aan kor ku soo xusay waa faa’idooyin la isku waafaqay, laguna arkay cilmibaarisyo dhowr ah.
Inkastoo Soomaalidu badanaa u Aaminsanayd in Baamiyuhu u Fiican yahay Kalagoysyada, laakiin Cilmibaaristaan waa mid cusub oo awal laguma Waafaqsanayn Soomaalida iyo Hindida oo ku Daaweyn jiray Tufta, Riixa iyo Lafo-Xanuunka.
Isha: Somalidoc.com
Qore: Macow Ustaad.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-04-10
You must log in to post a comment.