crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabar 20-jirad ah oo isku dayday inay is-disho kadib markii oday 69-sano jir ah oo ay jecleyd uu ku daadiyay. | HimiloNetwork

Gabar 20-jirad ah oo isku dayday inay is-disho kadib markii oday 69-sano jir ah oo ay jecleyd uu ku daadiyay.

Beijing, China (Himilonews) – Haweeney 20-jir ah oo ku nool Shiinaha ayaa u sheegtay booliska inay walbahaartay kadib markii saaxiibkeed oo in badan ka da’weynaa u u xiriirka u gooyay.
Goob-jooge ayaa soo badbaadiyay haweeneydan da’yarta ah taas oo ku fadhisay jinka webiga Han river ee Jiyanyang ku yaalla iyada oo u diyaarsaneyd inay inay isku tuurto biyaha.
Haweeneydan walaacsan ayaa loo waday sal-dhig boolis oo ka ag-dhawaa webiga –halkaas oo ay booliska uga warantay inaysan dooneyn inay wax badan sii noolaato maadaama uu ku daadiyay saaxiibkeeda ay jecleyd oo in badan ka weynaa.
Gabadhan oo lagu sheegay Jia Yun waxay booliska u sheegtay inay kula kulantay ninkan –oo ay moodeyso inuu 50-sano jir ahaa suuq weyn oo uu ka shaqeyn jiray.
Si kastaba, ninkan ayaa go’aansaday inuu xiriirka u jaro gabadhan –isaga oo aan wax cudurdaar siinin sababta go’aankiisa. Yun ayaa isku dayday inay dhowr jeer wacdo balse wuu ku adkeeyey.
Booliska ayaa hadaba soo helay in ninkani uu yahay 69-jir. Ninkan wuxuu booliska u sheegay inuu waligiisba ka helin gabadhan lagu magacaabo Yun, taas oo marka isaga loo eego kaliya u daba-joogtay lacagtiisa sidii ay ku hanan laheyd.
Si walba, wuxuu oggolaaday iuu gabadhan isaga jecel uu mar ugu danbeys ah kula kulmo gudaha sal-dhigga booliska.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!