crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shacabka Pakistan oo doonaya ku dhaqanka Shareecada Islaamka. | HimiloNetwork

Shacabka Pakistan oo doonaya ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Islamabad, Pakistan (Himilonews) – Kumaakun dibadbaxyaal ah ayay isku dhaceen booliska gudaha caasimadda dalka Pakistan maalintii labaad dibadbax lagu dalbanayo xukunka Shareecada.
Dibadbaxyada ayaa iskugu soo ururay afaafka hore ee xarunta Barlamaanka ee dalka Pakistan iyo xarumaha kale ee dowliga ah — iyaga oo dowladda weydiisanaya inay hir-galiso ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
In-ku-dhow 25,000 oo qof ayaa kusoo baxay jidadka waaweyn ee caasimadda si ay dowladda ugu cadaadiyaan inay hirgaliso xukunnada shareecada Islaamka salka u ah.
Waxay kaloo kasoo horjeedeen dilka loo geystay Mumtaz Qadri oo madaxa ka toogtay barasaabka gobolka Punjab ee Rawalpindi Salmaan Taseer kadib markii uu difaacay haweeney Masiixiyad aheyd oo diinta Islaamka af-lagaadeysay.
Bishii hore, ra’iisul wasaare Nawad Shariif wuxuu oggolaaday in ciidaha diimaha kale sida Hinduuga iyo Kirishtaanka ay u dabaal-degi karaan dadka reer Pakistan ee raacsan diimahaas.
Pakistan ayaa ah dal leh aqlabiyad Sunni Muslim ah kaas oo ay ku nool yihiin Muslimiinta saddexaad ee ugu badan dunida kadib Induniisiya iyo Hindiya. Waana dalalka ugu horreeya ee doonaya ku dhaqanka shareecada Islaamka, kadib afti ra’yi ururin ah oo lagu sameeyey.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!