crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cudurka Kaduudiyaha oo soo laba-kacleeyey | HimiloNetwork

Cudurka Kaduudiyaha oo soo laba-kacleeyey

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) –Cudurka waa xaalad aan caadi-aheyn oo gaar ah ama isku-dhex-yaaca dhismeed or howleed ee jirka taas oo saameysa qeyb ama dhamaan xubnaha oogada.
Cudurku waa xaalad qofna uusan jecleysan inuu maro—hadana lama hurayo in la dhex gudbo. Waana wax la kowsaday uumista uunka oo dhan.
Haddii aanu cudurba jirin, lama fahmeen qiimaha caafimaadka. Sidaas darteed, cudurku waa marxalad kuu tilmaanta waxa qiimaha leh ee aad nolosha ku heysato oo ah caafimaad.
Cudurradu waa sabab kamid ah asbaabaha geerida Insaanka iyo noolaha kale. Marka laga yimaado inta u dhimata gaajada iyo dagaallada, waxaa kale oo aan yareyn inta cudur u dhimata.
Tusaale ahaan, inta halis ku noqota ama u dhimata cudurka Duumada sanadkiiba gaar ahaan Afrika waa tira aan yareyn.
Faafista cudurradu waxay ku dhashaan xilli ama xaalad caadiyanba. Xilliyada kuleylaha waxaa inta badan dhasha shuban biyoodka iyo kuwa lamidka ah. Halka xilliyada qaboobaha ay Duumadu soo ridato dadka.
Hayeeshe, waxaa  kale oo soo if-bixi kara cudurro kale dabeecadda deegaanka iyo wax-yeeladiisa ka dhasha.
Cudurradan ayaa inta badan ku yimaada is-badalka deegaanka kaga soo dhaca dhanka dibadda ee aan dabiiciga aheyn sida wax-yeeleyntiisa.
Sanadkii 2004-ta ayay aheyd markii ugu horreysay ee la arkay cudur soo booddo ah oo badi asiibay dadka–laguna sheegay Kaduudiye.
Wax-yar kadibna waa laga bogsaday—saameyntiisuna way tirantay ilaa sanado kadib dib usoo laba kacleeyey isaga oo maalmahan ku dhacaya dad badan.
Hadaba, wariyaheenna Zakariya Hassan Maxamed ayaa booqday bukaanno dhowr ah oo uu ku dhacay cudurka Kaduudiyaha.
—warbixintanna inooga diyaariy–
“Cudurkan wallahi waa cudur halis ah –dadkana Ilaahay ka badbaadiyo; laakiin aniga wuxuu igu soo haleelay habeen aniga soo iska hurda ayaan subaxdii danbe soo kici waayay.”
Faalladaas waxaa tiraabaya Xuseen Abdi Mohamed oo wax ka yar 24-saacadood kahor kasoo kacay cudurka maqalkiisa dadku iskula qoslaan ee Kaduudiyaha loo yaqaanno.
Wuxuu la jiifsanaa muddo ka badan saddex maalmood taas oo ah celceliska caadiyan uu qof ku nagaan karo.
Wiilka ah maareeye supermarket ku yaalla degmada Wardhiigleey, oo 25-jir ah, wuxuu hadda awoodaa inuu dib u soo shaqo-galo.
Dhaqaaq-gaabiska iyo sara-joogsi diidistu waa labo astaamood oo wali kusii danbeeya raadkii uu Kaduudiyuhu curuqyadiisa ku reebay.
Maalin kahor intuusan soo ridan cudurkani, wuxuu ii sheegay inuu booqday dad qabay Kaduudiyowga—hayeeshe, lama ahan inuu dhankooda kasoo qaaday.
“Dad badan ayaan maalintaas horteed soo booqanayey. Laakiin uma maleynayo inan xaggooda kaso qaaday. Wixii kugu dhici doona kun sano ayay kaa weyn yihiin,” ayuu yiri.
Xuseen waa tiro kamid ah bukaanno dhowr ah oo uu soo ritay cudurka Kaduudiyaha. Waana muddo 72—saac gudahood, dadka aan la kulmay ee uu cudurkani haleelay.
In-cabbaar ah marka laga yimaado goobtiisa, waxaa ku nool qoys uu si guud mar ah ugu wada dhacay—iyo tiro carruur u badan oo uu soo ritay.
In-kasta oo aysan ii suura-galin inaan wareysto, hadana waxay si lamid ah Xuseen iigu sheegeen wuxuu Kaduudiyuhu baday.
Toddobaadyadii dhawaa ayuu si saf-mar iyo jar ka-booddo ah ugu soo if-baxay si gaar ah caasimadda Muqdisho.
Tirada bukaan ee uu maalinba maalinta kasii danbeysa soo ridayana, mayara. Mana jirto tiro lasoo weriyay in isbitaallada loo dhigay.
Kaduudiye oo marka qofka uu kusoo socdo–sida qof naafo ah u nugleeya xubnaha iyo kala goysyada, wuxuu sida Duumada la yimaada qandho badan iyo qarqaryo sida uu sharaxayo Ustaad Omar Abdulle oo barta culuumta caafimaadka guud ee dadweynaha.
“Cudurkani waxaa la yiraahdaa Jikakunye oo ah kalmad Sawaaxili ah. waa cudur viral- ah oo Duumada la bah ah. waxaa markiisii ugu horreysay laga helay Tanzanias sanadkii 1940. Waxaana dalkeenna lagu arkay sanadkii 2004,” ayuu yiri.
Wuxuu markii ugu horreysay soo shaac-baxay 10-sano kahor kolkaas oo sida la tibaaxay uu ka dhashay haaman sumeysan oo kusoo caariyay xeebaha dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Xilligaas, sida uu tilmaamayo Axmed Cabdullahi Hussein oo kamid ahaa dadkii uu soo ritay, aad buu uga duwanaa midka maanta soo laba kaclooday.
“Haa wuu ka duwan yahay. In-kasta oo uusan midkani igu dhicin, hadana calaamadaha aan ka maqlay aad bu uga duwan yahay midkii igu dhacay bilowgii hore markii uu soo if-baxay.”
Balse kasokow ridashadiisa, ma jirto dawo aan ka aheyn qandho-jabin oo loo adeegsado, sida uu xusayo Xuseen oo sheegaya in dhaqaatiirtu ay war-geliyeen inaan loo isticmaalin wax dawo ah–sida sharoobo ama cirbad.
“Dadku waxay yiraahdeen Kaniiniga Shiiqal-kulliga ama Baristamolka waxaan ka aheyn looma cuni karo. Xittaa muddaba ka danbeysa maalmaha aad ka bogsaneyso waxaa laguugula talinaya inaadan qaadan wax dawo ah; waayo waxay wax-yeeli kartaa jirkaada,” ayuu sheegay in loogu tala-bixiyay.
Waana tan iyo mid lamid ah asbaabihii fududeyn kara in la dhayal-sado halistiisa gaaban. Hayeeshe, caddeymaha laga muujinayo soo bixistiisu waxay sheegi kartaa wax ku filan in lagu foojignaado.
Aqoon-yahannada qaar sida ustaad Cumar waxay sharraxaadooda ku darayaan deyro ah inay dhici karto in—haddii aan laga war-qabin biyaheenna ay sabab u noqon karto hadimada badda lagu dhac iyo xaalufsaday inay kusoo butaaci karto berriga—Kaduudiyana uu yahay tusaale kamid ah hadimooyinkaas.
“Badda waxaa ku jira kheyraad badan oo wax dheef inoo ah. Haddii la wax-yeelo ama la sumeeyana, waxay halis weyn ku noqoneysaa badqabkeenna sida Kalluunka oo sumooba ama noolayaasha kale ee badda oo le’da.”
Faallada aqoon-yahankan ayaa daba-socodka dhac baahsan iyo qubista haraadiga wasaqda hubabka iyo warshadaha oo lagu hayo badda Soomaaliya.
Balse markii ugu horreysay xaqiiqda kasoo sara-kaceysa badda geeska Afrika, Kaduudiye, si kale, wuxuu caddeyn u noqon karaa sheekooyinka mahadhada leh ee ku hoos dhasha haraadiga lagu shubaalo xeebaheenna.
Isha: Mustaqbalradio.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!