Gaalkacyo; guri gobannimo

Gaalkacyo, Mudug (Himilonews) – Sheekooyin dhowr ah ayaan ka heystay gobolka Mudug oo aan waligay dhaayaha kusoo arkin. Dharaaro kahor intaan u kicitimin Gaalkacyo, dhagahayga waxaa ka batay jiraalka qadka cagaaran oo magaalada u kala dhanbala laba qeybood.
Maalintaydii koobaad ee Gaalkacyo, sarkaal ka tirsan waaxda gegida diyaaradaha ayaa i dareensiiyay in magaaladu ay kala maamulan tahay. Waxay tani igu beertay fiiro gaar ah. Balse waxaan ku foofay ujjeedadaydii ahayd wax ka ogaalka xogta Gaalkacyo.
Gaalkacyo waa magaalo qurux badan. Waa halka ay kusoo ababeen hal-doorradii umadda. Magaalo la kowsatay ilbaxnimada nadoocinaysa ee reer-magaalnimada Soomaalida. Gaalkacyo qarniyo badan waxay lasoo if-baxday waaberiga cadceedda. Waa mid kamid ah magaalooyinka ugu istiraatijisan gobollada dhexe ee dalka. Waana bu’da dhaqaale ee isku xirta gobollada waqooyi iyo kuwa dhexe ee dalka. Magaalo iyada la’aanteed ay Soomaali badan rumeysan yihiin inaan si fudud lagu hantiyeen gobannimadii dalka iyo curashadii dowladnimada.
Gaalkacyo waa magaalo xakame-deys ah. Waxaa ka muuqda jaah cusub halganka nololeed ee ka jira magaalada. Sida ceeryaamo daruuraha qarinaysana, waxay isku darsatay koror dadeed iyo kobac dhaqaaleed—taas oo lagu xoojiyay kaalmaha siyaasado isku dadban oo kala maamula Gaalkacyo.
Binti Cumar Gacal, oo kamid aheyd hobolladii Waaberi ee Qaranka Soomaaliyeed, waxay dib-u-celinaysaa xusuusteeda ku aadan—xilligii ay kamidka aheyd gashaantimihii quruxda badnaa ee fanaantii Waaberi oo halkan keeni jiray riwaayado badan—goor magaaladu ahayd mid hal dhinac u wada loodsan.
Balse hal-dhinac u jeedistaasi waxay la idlaatay maamulkii Kacaanka. Hadday Binti maanta halkan soo booqato, indhaheedu way ka beensan lahaayeen wixii ay isla iyaga shalayto ku aragtay oo ku saabsan midnimadii iyo iyo hal-marinkii Gaalkacyo.
-Nolol kala xadowday-
Abdi Xasan oo kamid ah dadka labada dacal ee magaalada kusoo dhaqmay muddo badan wuu jiriricooday markan weydiiyay waxa Gaalkacyo uga dhigan tahay. “Waxaan ku taamayaa Gaalkacyo oo udub qura ku wada dhagan.” Xasan wuxuu 70-meeyadii kamid ahaa dhaladkii reer Gaalkacyo halkaas oo aabihii iyo hooyadiis ay ku noolaayeen. Sida dad badan, Xasan, oo ahaa xoogsade, wuxuu noloshii ku maareyn jiray hadba inuu bariiska ka raadsado halka uu kasoo bisleysan karo. Taas o aheyd hanaankii nololeed ee magaalada ka jiray.
20-sano kahor, Gaalkacyo waxay ka mideysneyd dhamaan kaalmaha kala duwan ee kaabayaasha nolosha. Balse maanta waxaa magaalada kala sooray qad-cagaaran oo soohdin maamuleed ka dhigan. Qof kasta oo reer Gaalkacyood ah waxaa ku qasab ah inuu badi nolosha kala halgamo halka uu kaga nool yahay magaalada. Taas oo ka dhigan inuu ku seernaado halka aqlabiyadda tolkiisu ay ugu badan tahay. Tira gu’yaal ah oo magaaladu sidan kusoo if-baxaysay kadib, hadda jiraalkeedu waxay uga dhigan tahay lajooggooda.
-Dad isku milmay-
Hayeeshe, waloow dadku ay sidaas kula nool yihiin magaalada, hadana Gaalkacyo ma ahan mid lagu kala irdhoobay. Dadku waxay u nool yihiin sidii ay waa horaba u wada noolaayeen. Noloshuna ma dhib badna.
Waxaa ka jira nolol la bidhaamaysa hana-qaadka casriga ah ee dunida maanta. Kaabayaasha nolosha ayaa badi isku dheelli-tiran. Kasokow ganacsgiga oo ah isha magaalada isku xirta—taas oo fursado dhaqaaleed u ah reer Gaalkacyood badan, waxbarashada ayaa ah doorka labaad ee ka horumarsan. Waxaa kajira dugsiyo tacliimeed kala heerar ah. Halka heerka jaamacadeed ee magaalada uu yahay ilo-tacliimeedkii ugu danbeeyey ee kusoo kordha. Tira-dhowr jaamacado ah ayaana magaalada ka furan. Mana ahan ardayda gudaha ku nool oo kaliya kuwa ka faa’iideysta fursadaha waxbarasho ee magaalada. Waxaa jira arday badan kuwaas oo ka yimaada meelo ka baxsan Gaalkacyo oo waxbarasho usoo doonta.
Doorka caafimaadka ee magaalada Gaalkacyo ma ahan mid liita. Waxa iigu yaabka badnaa intaan ku sugnaa magaalada ee reynreynta igu beeray waxaa kamid ahaa in—dhaqaatiirta ku sugan Gaalkacyo qaarkood looga yimaado magaalooyinka waaweyn ee dalka. Isbitaallo kala duwan oo guud iyo gaareedba ah ayaa magaalada ku yaalla kuwaas oo badi degta saartay mas’uuliyadda baahiyeed ee caafimaadka bulshada.
Gaalkacyo waa sida laba marin oo ay ku socdaalaan dad mida. Waxay ku taagan tahay dhabbihii lagu yiqiin hilbo is-dhalay. Waxaa looga jeedaa wajiyo la iftiimaya niyadsamaan. Gacal wada dhaqan, guuyo lawada foofsado iyo gabanno diiradda saaraya mustaqbalkooda berito iyo hirashada timaadada—kana fog eex iyo nin tooxsi ayay indhahaagu qabanayaan kuwaas oo kuu muujinaya in—iyaga la’aantood ay Gaalkacyo baal-mugdi ah ka gali laheyd nolosha Soomaalinimada.
-Siyaasad Qabyaaladeysan-
Waxaa jira sabab cad oo ka danbeysa sida xiriirkii mideysnaa ee magaalada uu u hakaday. Guntuna ay noqotay in la kala baaxad-sooro. Doorka siyaasaddu waa kaalinta ugu weyn. Hayeeshe, waxa abyanka badan ee Gaalkacyo ka jira waxaa weeye inay siyaasiyiinteedu qiil u heleen hir-galinta qabyaaladda. Waxaa magaalada kajira laba maamul-goboleed oo qabiil ahaan u kala seereystay Gaalkacyo. Puntland oo dabayaaqdii 90—meeyadii la aasaasay iyo Galmudug oo sanado kahor dhidibada loo taagay.
Gaalkacyo waa tusaalaha qura ee lagu arkay sida siyaasaddu ay isugu rogtay seere toleed. Waana raad kamid ah raadadka muujiya sida ay wali u nooshahay caaabuqa qabyaaladda oo daranyo ku ah midnimada umadda.
Caruurta reer Gaalkacyo—ee ah jiilka Maanta—waxay la koraan aragtida abti iyo adeer laba dacal ku kala sugan. Mar kasta oo ay dul-yimaadaan qadka cagaaran, caruurtu cindigay ku qaadaan eelka ay dhigeen siyaasiyiintu. Taariikh-sheegistu waa hal-meertada kaliya ee ay u kaashadaan inay mar-aragtada Gaalkacyo ugu tiraabaan waaya’aragnimadooda gaheyrka ah.
-Hanqaraarac lug uma dhutiyo-
Hayeeshe, xittaa ku noolaanshiyaha dacal kamid ah magaalada, dadku ma ahan kuwo doonistoodu hungawdo. Waxay leeyihiin iskaashatooyin dan-wadaag ah oo magaalada isugu xira. Waana doorka bulshada rayidka kuwa ka dhiidhiyey inay magaaladu la cuuryaanto edegta ay ku meegaareen siyaasiyiintu.
Dadka reer Gaalkacyo gebigood raalli kama wada ahan aragtida qadka cagaaran. Waxay eedda dusha kawada saarayaan siyaasiyiinta oo ay ku sheegaan kuwa hal-fiiradooda gaarka ah ku taxaabay magaalada.
Halka reer Gaalkacyo ay dadaal harsiino la’aan ah ugu jiraan inay horumar kusii hirtaan, halgankoodu ma ahan mid maamulladu ay ku bogaadiyeen midnimo. Waxa kaliya ee halkan ka maqan waa dib-u-helista hannaankii wacnaa ee ay waligoodba kusoo noolaayeen dadka magaalada. Taas oo ah in magaalada aan lagu jahwareerin xeyndaabka qabyaaladda. In siyaasiyiintu fikir mida ku ayidaan doorka ay ku leeyihiin horumarinta magaalada, reer Gaalkacyood badan waxay rumeysan yihiin in heerka ay ku joogaan ay kasii hangoolsanaan lahaayeen.
Kasoo qaadashada tusaale lasiman Gaalkacyo magaalada Kismaayo oo ah caasimadda saddexaad ee dalka—taas oo si lamid ah Gaalkacyo ay ku nool yihiin beelo Soomaaliyeed—waxaa ka jira hal maamul. Dhib malahan intay adag tahay in lagu guuleysto xal-u-helidda midnimadooda. Balse haddii ay Kismaayo maamul qura yeelan karto, maxaa Gaalkacyo u diidaya hal maamul goboleed?!
Si kastaba, dadka reer Gaalkacyo, sida Abdi Xasan, waxay qadka cagaaran ku tilmaamayaan tumaati ku taagan wadnahooda iyaga oo ku mithaalaya daad xaaqay taariikhdii ugu tiillay baalka dahab oo uu dib ugu tiriyay taariikhda baalka dacar.
“Waxaan ku xanibannahay ku kala tallaabista qadka cagaaran. Taas oo ah habsami u socodkeenna,” ayuu yiri. “Muxuu jiilka maanta inaga dhaxli karaa? Ma inaan derbigii Berlin ku mithaal noqonayaa? Mise inaan labadii Kuuriya dhexdooda ku sugannahay?”
Wey mudnaataye Allow u miciin!!
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!