Nadaafad-darrida Xareed

Hawl-wadaag, Muqdisho – Nimcada roobku waa mid kamid ah sareedooyinka Ilaahay ugu deeqo makhluuqaadkiisa. Hayeeshe, marka nimcada roobku ay isku badasho nabar lagu rafaado, waxaad soo xasuusataa Xareed oo ah kobta ugu ballaaran ee lagu iibiyo buugaagta ugu badan gudaha magaalada Muqdisho.
Is-haleelka tiixa roobka iyo tabaabul la’aanta waa casharka laga barto sida waqal da’ay—halkii laga sugayay in lagu diirsado—ay dadku ugu dacdaroodaan. Waana Xareed tusaalaha koobaad ee gudbiya sawirka aragtidaas.
Roobabkii xalay curtay waxay arooryo aan la jecleysan ku noqdeen dadka danyarta ah ee ka shaqeysta suuqa Xareed. Biyo ayaa afarta doc ee laga soo galo Xareed wada bilqan. Mana jiro dhaq-dhaqaaq muuqda oo laga dareemayo suuqa. Fariisi dabadeed, Xareed waxay biyuhu bilqanaadaan wax ku dhow bil ama nus bil. Taas oo cuuryaamisa dhaqdhaqaaqa suuqa iyo nolosha danyarta.
Dad fara ku tiris ah sida, Cali Naxar, uma ayaan-darroobin sida danley badan oo jaallayaashiisa suuqa ah. Maadaama xaruntiisa suuqa—taas oo sida kuwo kale iibisa buugaagta kala duwan iyo gedi agabyada waxbarashada—ay afaafka hore kaga taallo Xareed, wuxuu awooday inuu saakay albaabada u furo. Balse taasi Naxar uma ahan mid uu ku niyadsan yahay.
“Tani waa filashada koobaad ee laga dhaxlo roobabka,” ayuu yiri Cali Naxar oo laba sano kahor Cabdalla Shideeye uga soo guuray Xareed. “Maxaa kale oo laga sugaa haddii aan awalba loo tabaabushoon?”
Ka dar oo Dibi dhal!
Naxar, wuxuu markii uu halkan imaanayay qabay aragti ah inuu ganacsigiisa ku beekhaami doono kobtan uu doortay ee Xareed taas oo sida uu sheegay ka duwaneyd sida ay saakay tahay. Hayeeshe wax walba waxay is badaleen markii dowladdu ay laami dheer saartay jidka u dhaxeeya labada is-goys ee Baar Ubax iyo Howl-wadaag. Taas oo aheyd bilow fiican balse wax yar kadib ku noqotay bugto aan laga biskoon danyarta Xareed ku xoogsata. Curashada roobkii koobaad ee kadib dhismaha laamiga, Naxar maanu fileyn inuu hinqaarmi doono.
Injineeraddii ku howlanaa dhismaha wadada ayaa qaab-dhismeedkeeda ilduufay. Waxay—halkii laga rabay inay la barbar simaan labada laami ee ay ku tagaan labada is-goys ay—mitir ahaan ka hoos mariyeen laamiga taas oo sababtay inuu biyaha gudbin waayo. Waxaana Xareed oo awalba biyuhu fariisan jireen ay kasii dhigtay biya-fadhiid.
Danley suuqa waxbarshada Xareed waxay dowladda ku eedeynayaan in tallaabadii qabyada aheyd ee ay laamiga ku saartay wadada Xareed sii cuuryaamisay shaqadooda.
“Saarista laamiga kahor, si walba oo roob u da’o marna hakad kuma imaan jirin shaqadeenna,” ayay si mid ah iigu sheegeen koox danyar ah oo agagaaraha biyaha ku jalbeebsanaa kuwaas oo hungo kala soo jarmaaday guryahooda. “Waan ogeyn inay sidan noqonayso hadana inaan xal sugno wali lama huraan.”
Caqabadaha ay sababayso habsami u socod la’aanta suuqa Xareed waa dhowr. Ku dhawaad afarta toddobaad ee ay biyuhu fadhiyaan waddooyinkeeda, afafka danyar badan waxay eersadaan falka dhabar-jabka ah ee dowladda kaas oo noqday laf ku taagan dhuunigooda. Halka xaalado caafimad darro ah laga dhaxli karo biyaha dhex ceegaaga Xareed. Waana caqabadaha ugu yar. Waxaa jira caqabado badan oo ku hoos dhasha dhibaatada Xareed.
Hayeeshe, ka digtoonaanta halis ku sababta inay tahli waayaan sii wadashada shaqadooda waa doorka qura ee ay ku suura-galiyeen ku dul shaqeynta caqabadaha.
Naxar wuxuu sheegay inay jireen dadaallo lagu doonayay in lagu cara-tuuro dukaamada ku teedsan laamiga si looga gaashaanto inay biyuhu gudaha ugu fatahaan. Guryaha qaar ee laamiga ku dherersan—kuwaas oo dhismo ahaan hooseeya—ayaa xittaa sare loo qaaday si taagagu u celiyaan biyaha taas oo sidoo kale fududeyn kartay in ganacsigu sii tallaabsado.
Balse kuwaasi waxay ahaayeen hakad celin qura. Hadda oo roobab mahiigaan ah ay xalay ka onkodeen Muqdisho, dhamaan cara-tuurradii waxaa qaaday daadka. Taagagii guryahana waxaa qariyay biyo. Mana muuqato waddo kale oo ay awoodaan danleydu inay biyaha iskaga moosaan.
Dib-u-habeyn barax-tiran waa in lagu dayac-tiraa jidka dheer ee Xareed kaas oo isku xira labada is-goys. Taas oo ah xalka ugu fiican ee lagu soo celin karo rajada danyarta. Tanina waa in loo maraa waddooyin kasta oo suua-gal ah si loo xaqiijiyo. Waana fiiro ay qabaan badi bulshada.
“Inay sidoo kale dowladdu dhuuman ku qaado biyaha fadhiista waddooyin halbowlaha u ah shacabka waa xalka labaad,” ayuu yiri Naxar oo intaas kusii daray inuu soo gaaray Xareed oo xilligii Kacaanka ay dadku roob iyo roob la’aanba ku dhex-ganacsan jireen dhib yari.
In la howl-galiyo goobihii loogu tala-galay inay biyuhu ku shubmaan xilliyada roobka sida kuwii ku ag yiil dugsiyadii Xamar-Jadiid iyo 15-May waxay fududeyn kartaa in laga feejignaado halis kasta oo sababi karta dhibaatooyin bulsho.
Balse kuwaasi waa xalka laga sugi karo samafale kasta. Inta laga helayo wadani degta saarta haqab-tirka baahida danyarta, danley badan, sida kuwa Xareed, waxaa ragaadin doona qalqaalo xumida ay ku wajahaan rafaadyada kusoo rakaadma.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!