HomeDunida MuslimkaTaageerayaal badan oo qaadanaya diinta Islaamka gudaha Qadar.

Taageerayaal badan oo qaadanaya diinta Islaamka gudaha Qadar.

MUQDISHO (HN) — Muuqaal dhex wareegaya baraha bulshada ayaa la arkayaa taageere u dhashay dalka Mexico oo sannadkan qeyb ka ah Koobka Adduunka oo loo qabanayo shahaadada ama kalmadda Tawxiidka gudaha Masjidka Katara ee magaalada Dooxa.

Sheekh ayyan Al-Yafei, oo u dhashay dalka Yemen ayaa u qabanaya Shahaada. Waxaana farxadda iyo reynreynta ka muuqata laga dheehan karay wejiga walaalka Muslimay oo ujeedka uu Qadar u yimid ay ahayd inuu daawado koobka adduunka.

Sheekha oo ka warramayay ninkan ayaa yiri: “Wuxuu noogu yimid Masjidka si uu wax uga fahmo dhaqanka iyo caqiidada Islaamka – waana u iftiiminay.”

In yar kaddib wuxuu sheegay inuu ku qancay Islaamka oo uu doonayo inuu kamid noqdo bulshada Muslimka.

Ma ahan walaalkan oo qura midka qaadanaya Islaamka gudaha Qadar. Warbaahinta ayaa werinaysa in dadku ay koox kooxo usoo galayaan diinta Ilaahay.

Allaa mahad leh!

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments