crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lerik – Barta Dadka ugu cimriga dheer Adduunka! | HimiloNetwork

Lerik – Barta Dadka ugu cimriga dheer Adduunka!

MUQDISHO (HN) — Lerik, oo dhacda koofurta Azerbijan waxaa hadda loo tixgeliyaa meesha ay ku nool yihiin dadka ugu cimriga dheer adduunka.

Aalaaba deegaanka ay dadkaas ku nool yihiin waxaa loo yaqaan Blue Zone waxaana kamid ah Okinawa oo ku taal dalka Japan iyo Ikaria oo dhacda Giriiga. Waxaase weli jira meelo aan la aqoonsan balse la og yahay inay ku nool yihiin dadkaas oo kale.

Lerik hadda waxay heleysaa aqoonsi buuxa. Waxaana loo arkaa inay tahay maxtafka lagu keydiyo cimri dhererka dadka da’doodu dhaaftay 100-ka sannadood. Waxaa la helay dad la tibaaxayo inay dhasheen qarnigii 18aad oo weli jooga ifka kuwaas oo da’doodu gaarayso 170 sannadood. Waana Muslumov ninka lagu magacaabo. Walaalkiis Mahmüd Eyvazov waxaa isagana la tilmaamaya inuu jirsaday 150 sannadood.

Laakiin la yaab malahan in la helo dad 90 jirro ah oo bulshada caadiga ah kamid ah kuwaas oo weli isku heysta inay aad u yaryihiin oo hadda un nolosha u bilow tahay!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!