crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markii koowaad oo aadaanka lagu daahfuro Kubadda Cagta Dunida. | HimiloNetwork

Markii koowaad oo aadaanka lagu daahfuro Kubadda Cagta Dunida.

MUQDISHO (HN) — Maanta ayuu furmayaa koobka adduunka. Waxaana qormaya taarikhooyin curdin ku ah geeddi socodka tartankaas caalamiga ah. Markii ugu horreysay ayaa dal Muslim ah oo dhaca Bariga Dhexe lagu qabanayaa koobka. Waxaana ku baxday adduun dhan 220 bilyan oo dollar.

Markii ugu horeysay ayaa lagu daahfurayaa aayadaha Qur’anka kariimka ah; waxaana loo dejiyay sharciyo aan horay loogu dhici jirin sida inaan lagu iibin karin qamriga; lala bannaan bixi karin ama la muujin karin astaamaha lidka ku ah diinteenn suuban sida qaniisnimada iyo wixii la halmaala.

Marti-geliyayaasha ayaa sidoo kale kasoo qeybgalayaasha baraya sooyaalka, ilbaxnimada iyo nolosha Muslimka iyo diinta Islaamka. Waxaana loo sameeyey farriimo gaagaaban oo Nabawi ah oo dadka lagu siinayo jidadka iyo hoteellada ay joogaan.

Caalamka Muslimiinta ayaa rajaynaya in koobkan uu ku guuleysto dal Muslim ah markii koowaad ee taariikhda kubadda cagta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!