crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – 11 jirka Muslimka ah ee IQ-giisu ka sara-maray midkii Albert Einstein. | HimiloNetwork

La kulan – 11 jirka Muslimka ah ee IQ-giisu ka sara-maray midkii Albert Einstein.

MUQDISHO (HN) — 11 jir Muslim British ah ayaa tijaabada farriidnimada maskaxda ee 1Q-ga, wuxuu ka keenay 162 – isaga oo dhaafay rikoorkii u yiillay Albert Einstein iyo Stephen Hawking.

Yusuf Shah, oo sannadka lixaad ka dhigta dugsi ku yaalla Leeds wuxuu guushan ku hantiyay heerka IQ oo aad u sarreeya. Wuxuu kamid noqday ardaydii u fadhiisatay imtixaanka Mensa kaddib markii ay asxaabtiisu u sheegeen sida uu fariid u yahay.

“Farxad gaar ah bay ii tahay in shahaado aniga igu saabsan oo guushayda tilmaamaysa aan soo helay,” ayuu yiri.

Qiyaasta heerka fariidnimadiisa, waxaa la sheegay inuu dhaafay Albert in kasta oo isaga laftigiisa aan la ogaanin heerkiisa. Wuxuu rajaynayaa inuu ka barto xisaabaadka Jaamacadaha Cambridge iyo Oxford midood.

Yusuf ma ahan da’yarka kaliya ee fariidnimadiisa lagu baraarugay ee Muslim ah. Dhowr kale oo ku nool Yurub ayaa lasoo werinayaa inuu aad u sarreeyo heerka fariidnimadooda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!