crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xijaabka xiro Abyo – Ol’olaha ii xir xijaabka oo ka socda Qadar. | HimiloNetwork

Xijaabka xiro Abyo – Ol’olaha ii xir xijaabka oo ka socda Qadar.

MUQDISHO (HN) — Muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada oo haween aan Muslimiin ahayn la barayo sida loo xirto xijaabka ayaa bogaadin iyo soo dhaweyn fiican ka sameeyey ra’yulcaamka dunida Muslimka.

Dumarkan oo u badan taageerayaasha xulalka ku loolamaya koobka adduunka ee ka socda Qadar ayay u ahayd markoodii ugu horreysay oo ay xirtaan xijaabka ama ay arkaan Muslimad xijaaban.

Islaamka ayaa xirashada xijaabka u arka hab lebiseed sharci ah mana dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid.

Qadar ayaa taniyo markii uu bilowday koobka adduunka waxay sameysay tallaabooyin togan oo bulshooyinka aan Muslimiinta ahayn ee daawashada u yimid dhacdadan caalamiga lagu barayo Islaamka iyo xadaaradda uu dunida u horseeday intii uu ka talinayay.

Waxaana xusid mudan inay boorar ay ku qoran yihiin farriimo Nabawi ah oo uu Suubanaha NNKH u reebay bashariyadda intuu ifka joogay kuwaas oo wax badan ka beddelaya aragtida gurracan ee gaaladu ka heystaan Muslimiinta iyo Islaamka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!