Haweeney furtay albaabka degdegga ah ee Diyaaradda looga baxo iyada oo moodaysa midkii Suuliga
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
April 24, 2016
390 Views
Beijing, China (Himilonews) – Haweeney ayaa la xiray kadib markii sida la sheegay ay furtay albaabka degdegga looga baxo—hadday diyaaradda wax ku dhacaan—iyada oo ku qaladay midka musqusha oo ay soo aaday, sida ay sheegeen booliska wadanka Shiinaha.
Dhacdada ayaa timid xilli diyaaraddu ay u darbaneyd inay ka kacdo gegida diyaaradaha ee Chongqing.
Haweeneyda ayaa diyaaradda flight-keedu yahay koofurta Shiinaha ku rabtay inay ku timaado Shenzhen; waxayna rabtay inay isticmaasho musqusha. Markii ay aragtay safka dheer oo loogu jiro iridda musqusha ayay dhinac kale ka aragtay albaab kale oo qofna uusan saf ugu jirin.
Haweeneyda ayaa markaas kadib iyada oo moodeysa midkii musqusha –maadaama duullimaadkani uu ahaa midkii ugu horreeyey ee ay diyaarad ku dhoofto. Markii ay soo riixday albaabka waxaa dhawaaqay ganbaleelka degdegga sidaasna waxaa dhacday in diyaaraddu ay laba saac dib u hakato.
Haweeneydan ayaa loo oggolaanin inay duullimaadka raacdo waxaana loo dhaadhiciyay xabsi.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-04-24
You must log in to post a comment.