Nin si layaab leh fogaan-arag uga dhex arkay muuqaalka afadiisa oo 2 sano kahor ka dhimatay

Casablanca, Morocco (Himilonews) – Nin reer Morooko ah oo loo sheegay inuu in xaaskiisu ay ku dhimatay shil baabuur ayaa rumeysan waayay inuu dib uga arkay shaashadda fogaan-aragga ama tilifishanka.
Abragh Mohamed oo kasoo jeeda Azilal ayaa maleystay inay xaaskiisu ku dhimatay shil baabuur laba sano kahor.
Kadib shilka, haweeneyda ayaa loola cararay isbitaalka—halkaas oo dhaqaatiirtu tilmaameen inaysan samata-bixi doonin.
Mohamed oo isbitaalka uga soo socdaalay gurigiisa si uu usoo booqdo xaaskiisa ayaa markii uu soo gaaray isbitaalka waxay dhaqaatiirtu u sheegeen inay dhimatay xaaskiisa.
Isbitaalka ayaa Mohamed siiyay naxash uu ku jiray qof meyd ah—isna wuxuu ula kacay inuu aaso.
Mohamed ayaa hadaba xilli uu telifishanka ka daawanayey barnaamij lagu baafiyo dadka ka luma qoysaskooda, wuxuu rumeysan waayay inuu ka dhex-arko xaaskiisa.
Xaaskiisa ayaa dadweynaha ka codsaneysay in lagu baadi-goobo seygeeda.
Mohamed ayaa isla markiiba wacay sal-dhigga xarunta telifishanka –isaga oo u baxay inuu soo wato xaaskiisa oo dhaawac maskaxda ah shilka kala kulantay.
Waxaana dib loo hubsaday in Maxamed meyd kale loogu kafanay naxashka.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!