crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Goob ganacsi: Meel u baahan BILIC iyo BAAYAC qiima-gal noqon kara | HimiloNetwork

Goob ganacsi: Meel u baahan BILIC iyo BAAYAC qiima-gal noqon kara

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Waxaa jirta maah-maah caan baxday oo Shiinees ah oo tiraahda: haddii aadan aqoonin sida loo dhoolla-caddeeyo ha furanin dukaan ama ganacsi. Taas waa in qofku bartaa sida had iyo jeer loo dhoolla-caddeeyo qaasatan xilliga lagu mashquulsan yahay ganacsiga
Ganacsigu, sida caadada ahba, wuxuu ku mira-dhala tayada iib-gal ee adeeggiisa ama agabyadiisa. Marka la arko ganacsi ilaa heer tisqaaday, waa in aragti tusmeynsan oo lagu horumarinayo had iyo jeer lala daba-joogo.
Balse waxaa kale oo lama huraan hubsashada halka iyo habka loo ababsho loona hir-galiyo ganacsi soo saara halbeegga dhaqaale ee laga damacsan yahay ama laga filan karo.
Doorashada halka kuu ah goobta ganacsi iyo hab-sami u socodsiintiisu waa laba door oo aan kala dheereyn.
Marka qofku aalaaba uu ganacsi ka fikirayo waxaa qalbigiisa ku daaban ka fikirka meesha ku habboon goob ahaan—waana midda badi loo batay. Hayeeshe, maxaa xigi kara kadib helidda goobta qofku tusmeystay haboonaanteeda?
Waa su’aasha aysan badi ganacsatadu u helin jawaabtii ku mudneyd. Sidaas darteed, halka ay dhacdo qofku inuu helay meesha uu ku niyad-samaaday ku ganacsigeeda, waxaa muhiim ah inuu ku niyad-samaado ka yeelista meel in badan ka qurux badan kana soo jiidasho badan siday aheyd markii uu imaanayay.
In qofku waxa ka dhiman uu ka garan karo baahida macmiishiisa iyo inuu beec soo jiita wax kaga iibiyo way jirtaa in ganacsaduhu ogsoonaado.
Balse wax weyn kama dhinnaato haddii uu ka yeelo goobtiisa meel bilic ahaan—dhanka nadaafadda gudaha iyo gaararkeedaba il-qabad iyo jamaadba leh.
Sidaas darteed, ganacsaduhu waa u muhiim inuu si mid ah ula socdo dhaq-dhaqaaqa ganacsigiiisa oo ku jaango’an qiimo aan laga didin iyo dheeha aragti ee goobtiisa oo noqota mid bilic ahaan ku filnaanta in macmiilku ku qanco qaabilisteeda.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!