Nin lagu qabtay 18-shinbirood oo nool isaga oo ku hoos qarinaya surwaalkiisa dhexdiisa.

Ho Chin Me, Vietnam (Himilonews) – Nin ayaa loo xiray fal-danbiyeed ah inuu surwaalkiisa kusoo hoos qariyay tiro shibiro ah oo nool isaga oo isku dayaya inuu u qaado dalka kale, sida laga soo xigtay booliska dalka Fitnam.
Saraakiisha kastamka eek u sugan gegida caalamiga ah ee magaalada Ho Chi Minh ee dalka Fitnam ayaa xiray ninkan rakaabka ah oo aan heybtiisa la sheegin kadib markii lagu qabtay 18-shinbirood oo nool oo uu ku hoos siday surwaalkiisa.
Ku sidashada tiro shinbiro ah surwaalkiisa dhexdiisa, waxaa usii dheer inuu boorsadiisana kusiday shirbiro kale. Ninku wuxuu u waday dalka Taiwan.
Machadka baayoolojiga ee Tropical ayaa xaqiijiyay in 11 kamid ah shinbirahan ay yihiin kuwo aadka loo ilaaliyo.
Ninkan ayaa maareeyey inuu ku heysimo shinbirahan isaga oo ku dhex xirxiray lugihiisa kadibna surwaalkiisa kusii gishtay.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!