crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sidee ayuu ku imaan karaa siyaasi leh xirfad hoggaamineed iyo hibo maamul? | HimiloNetwork

Sidee ayuu ku imaan karaa siyaasi leh xirfad hoggaamineed iyo hibo maamul?

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Qof walba oo dhasha wuxuu la dhashaa hibo Eebe gaar uga dhigay oo uu kaga duwanaan karo qof kale. Qofbaa il looga furay farsamada iyo baabuurta: midbaa ka hela wax aqriska iyo cilmi-baarista midna wuxuu jecleystaa inuu socdaalo oo dhulka sahmiyo.
Bilashadii diinta Islaamka, marka uu Nabigu rabo inuu howlaha u kala qoondeeyo saxaabadiisa—isaga og kartida midka kasta oo kamid ah iyo meesha uu ku habboon yahay ayuu kala diri jiray.
Khaalid Bin Waliid, tusaale ahaan, kama mid aheyn saxaabadii fuqahada ahaa—balse hibada Alle ku beeray ayaa noqotay fanka iyo cilmiga dagaalka. Boqol duullaan oo uu abaan-duule ka ahaa midna lama soo jebin, hadana mar kasta oo magaalo uu qabtaba, wuxuu xilka u gacan gelin jiray qof hibada maamulka iyo aqoonteeda Ilaahay ku ilhaamiyay.
Sida Nabigu saxaabada ugu boorin jiray inay meesha ay ku fiican yihiin ama ay xeel-dheeri ku yihiin ku koobnaadaan, waxaa tusaale kale noogu filan saxaabiga Abuu Darri al-Qafaari oo Nabiga kaga digay inuu xil umadeed ka dheeraado.
Waayo wuxuu ogaaday inay jirto meel kale oo uu kaga habboon yahay siyaasadda iyo maamulka.
Hadaba ereyga siyaasad, bulshadeennu waxay si caad-yaal ah ula baratay duullaankii gumeystayaashu ku soo galeen dhulkeenna.
Waagii hore, ereygani wuxuu u jiray magac kale iyo macno duwan. Hayeeshe, markii dhaqanka miyiga magaalada loosoo raray, siyaasaddu magac ahaan iyo micno ahaanba way is-badaleysay hadba heer.
Mar waxaa la weriyaa ay dhacday in nin kamid ah dadka degmo ku taalla koofurta Soomaaliya oo wax-garadka ku jiray loogu yeeray inuu matalo degmadooda. Markii uu cabbaar ka dhaga-adeygay ayaa lagu yiri faataxo ku gal. Sidaas ayaana uu ku matalay gobolkiisa—isaga oo magca hebel faataxo loo bixiyay.
Maanta, cidna siyaasadda ku baryi meyso cid kale. Qof kasta oo awooodi kara inuu siyaasi noqdana wuxuu u huraa hantidiisa.
Hayeeshe, halka qofna aan laga xigin ardaaga siyaasadda, ma dhacdaa in siyaasigu yaqaan waxa siyaasadi ka dhigan tahay? Ma yahay nin hibo u leh wax maamulista? Sidee ayuuse ku imaan karaa siyaasi leh xirfad hoggaamineed?
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan Hiraal.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!