crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhiig-bixinta iyo Keydka Dhiiga lagu dhowraariyo | HimiloNetwork

Dhiig-bixinta iyo Keydka Dhiiga lagu dhowraariyo

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Dhiig-bixintu waxay timaadaa marka qofku si mutadawacnimo ah uu u huro inuu ku deeqo dhiigiisa isaga oo taas badalkeeda aan naawileyn inuu wax ku badasho.
Keydka bangiyada dhigaguna waxay badanaa qeyb weyn ka qaataan habka ururinta  iyo sidoo kale qaabka loo marayo dhiig-bixiska.
Maanta dunida horumartay, badi kuwa dhiigga ku deeqa waa mutadawaciin aan lacag lagu siinin dhiig-bixinta kuwaas oo ku deeqa bulshadooda.
Dalalka dib-u-dhacsan, qeybaha dhisan oo dhiigaga ah aad bay u kooban yihiin; ku deeqayaashuna aalaaba waxay dhiigga bixiyaan marka saaxiib iyo xigto uu degdeg ugu baahdo.
Badi dhiig ku deeqayaashu waxay dhiigga u bixiyaan qaab sama-fal ah ama sadaqo hayeeshe, gudaha wadamada ogol in dhiig-bixiska la lacageeyo, ku deeqayaaha waxaa la siiyaa lacag ama si dadban ayaa loo siiyaa fursado kale oo wax-gal u ah.
Ku deeqayaashu waxay sidoo kale qorsheysan karaan dhiig inay u baahdaan mustaqbalka sidaas darteed waxay keydsadaan dhiiggooda.
Dhiig-shubistu sida badan waa badqab ama badbaado. Hayeeshe, ku deeqayaasha qaar ayaa marmar miir-daboolma ama si kale noqda.
Ku noolaanshaha dal—sida Soomaaliya oo kale ah, in dhiig qof uu si naf-hurnimo ah xaajo la’aan iskaga deeqo inta badan ma dhacdo. Waxaynu kaliya maqalnaa in loo baahan yahay dhiig qof ku deeqa marka dhaawac yimaado, haween ama carruur yaryar ay halis u noqdaan dhiig la’aan iyo wixii lamid ah.
Kasokow sida qof dhiiggiisa uu ugu badbaadin karo qof kale dhiiggiisa, waxay sidoo kale qofku u leedahay faa’iidooyin caafimaad. Dhiig-shubistu waxay yareysaa heerka garaac ee wadnaha iyo cudurrada qalbiga ku dhaca siiba ragga.
Cilmi-baaris la sameeyey sanadkii 2012 ayaa lagu ogaaday in dhiig-ku-deeqistu ay aad u dhinto cadaadiska dhiigga, Sokorowga iyo wixii la halmaala.
Halka qofna aysan u suura-galin inuu dhiig-bixiye noqdo, way dhacdaa inuu mar un ku deeqo. Hayeeshe, da’na kuma xirna in qof walba oo dhiig ku deeqa uu caafimaadkiisa ka dareemo. Waxaa intaas ka badan, ka Muslimiin ahaan, dhiig ku deeqistu waa sadaqooyin kamid ah kuwa qofka u socda kadib geeridiisa oo lamid ah ceel inaad qodo, Masjid dhisto, geed beerto iyo wixii lamid ah; waayo waxaad dhiigaada ku badbaadinaysaa qof Bani’aadam ah. Allana wuxuu leeyahay qofkii qof badbaadiya, waa sida isaga oo badbaadiya dadka oo dhan.
Dunida horumartay, tusaale ahaan, heerka ay ka gaareen sida ay muhiim u tahay dhiig-bixinta, waxaad ka fahmi kartaa sida ay xittaa ugu sameeyeen gaadiid dhex-roorto oo jidadka mara kuwaas oo qof kasta oo dhiig ku deeqaya ka shuba; tanina waxay aad u dhintaa ama ay jawaab u noqotaa qof inuu si fudud dhiig bax ugu dhinto.
Maanta, inaga Soomaali ahaan, qaasatan kuwa ku nool gobollada ay dagaallada ama weerarada ka dhacaan, dhiig-shubistu waxay aad noogu tahay muhiim. Waayo waxay si aan la qiyaasi karin fal-celin togan ugu noqon kartaa dhaawacyada la keeno isbitaallada caasimadda Muqdisho; hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee sida halhaleelka ah dhiig ugu baahan iyo kuwa kale.
Hadana, qalabeyn la’aanta ama tayada qalab ee lagu dhowraariyo keydka dhiigga oo ugu yar isbitaallada awgeed, waa mushkilad iyadna diidaysa in ol’olaha dhiig-ku-deeqis la bilaabi karo.
Shaqsiyan, waligay kumaan deeqin dhiig, hayeeshe, mar walba waxaan ku niyad-weynahay inaan dhiig-bixiye noqdo mustaqbalka oo aan mar kaliya shubin dhiig. Taasina waxaa ila qaba dad badan oo mar jeclaa; lagase yaabo inayba ugu danbeyn ku deeqeen.
Balse in bulshadu barato sida bilaash loogu deeqo dhiig—u eegis la’aan marxlad dhaawac ama dhiig-bax qof ku yimid, waxaa ku horgudbanaan kara in la sameeyo xarun ama xarumo waaweyn oo keydka dhiigaga lagu dhowraariyo.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan Hiraal.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!