Saameynta ay dhalinyarada ku yeelatay daawashada kubadda cagta
Posted by: Zakariya
in Wararka
April 24, 2016
464 Views
Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Waxaa socota ciyaar kamid ah ciyaaraha kubadda cagta ee laga dheelo qaaradda Yurub; waxaana daawashadeeda kusii jeeda malaayiin qofood oo dunida saaran oo ay kamid yihiin Maxamed Ibrahim Ceyte oo 21-jir ah dhigtana Jaamacad iyo Najiib Xirsi Abdulle oo 19-jir ah kuna jira heerka sare ee dugsiga oo ku wada nool magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Labaduba oo ah faca koobaad ee jiilka maanta waxay daawashada kubadda cagta kusoo jireen muddo ku dhow shan sano; tanina waa dooqa koobaad ee ay ku qasbanaadeen doorashadiisa si ay ula noolaadaan bulsho dhalinteedu 80% ay xiiseeyaan kubadda cagta.
“Kolay hadda dhalinyaro ayaan ahay; hayeeshe, maanta maalin aan aheyn ayaan dareemi doonaa sida aan qiyaaso. Balse bulshadu meesha ay u badatay hadal-heynteeda ayaa qasab nagu ah inaan raacno.” Ayuu yiri Mohamed Ibarahim Ceyte.
Najiib oo isna kusii daraya aragtidiisa ayaa yiri: “Waan dareensanahay inuu waqti iiga lumo daawashada,, si walba oo ay tahayna anigaa ku qanacsan daawashadeeda.”
Aragtiyadoodu waxay wax ka tilmaamneysaa kaliya da’da ay ku jiraan iyo siday ugu indha-qaadeen daawashada ciyaaraha. Balse, marka laga yimaado xaqiiqda ah in deegaanku kaalin ku yeesho hal-saameynta qofka da’yarka ah, kubadda cagtu waa raadeyn caalami ah oo dunida ka joogta meel sare oo aan sinaba loo dafiri karin. Waana iclaamka reer Galbeedka waxa ka dhigay in harag la buufiyay oo ay eryanayaan dad –dunidu oo dhan ay ku bixiso waqtigeeda.
Sidaas darteed, daawashada ciyaaraha waxay dhalinta u dhadhantaa micno kale oo aanay dhaadi karin waalidiin badan. Waana nolol ay kusoo baxeen la-qabsigeeda. Waxayna ku koraan fahamkeeda.
Hayeeshe, meel ay adag tahay in jiilka maanta iyo daawashada banooniga lakala weeciyo, waalidiin fara-ku-tiris ah oo Soomaaliyeed ayaa ku dhaca inay u diidaan carruurtooda fiirsiga ciyaaraha.
Hooyo Khadija Gedow Cawale oo ku jirta da’deeda 45-jirka, waxay kamid tahay kumaakunka waalid Soomaaliyeed ee carruurtooda ku raacay doorashadooda ku aadan jeceylka fiirsi ee daawashada kubadda cagta; waayo maheysato doorasho ka baxsan dooqooda.
“Waan xadidi waayay inaan ka celiyo daawashada kubadda cagta,” ayay tiri xilli ay qolka ay ilmaheeda ku daawadaan banooniga ku jirtay. “Balse caqabad ayaan u arkaa; hadana halkii ay meel kale u aadi lahaayeen daawashada, waxaa ila gudboonaatay inay gurigooda ku fiirsadaan.”
Hawraarteedu waa mid dhab ahaan loo qaadan karo, marka la eego kobaca tiknoolojiyadda iyo la-qabsiga shirkadaha kusii daaya shaashadaha khidmadeysan ee laga helo kanaallada ciyaaraha oo aad usoo badanaya qiimo jaban taas oo cid walba u fududeysa inay soo geshadaan.
Daawashada kubadda cagtu waxay soo bilaabatay dhowr iyo labaatan sano kahor sida ay tilmaamayaan Abdi Mohamed Ali oo ku jira da’da 50-jirka iyo Zakariya Heeloos oo 40-jir ah kuwaas oo wali si aan is-dhimid laheyn ugu xiran fiirsiga banooniga.
Abdi wuxuu sheegaya in kubaddu noqotay waxa caalami ah oo aan lamoogaan karin iyo baahi loo balansan yahay had iyo jeer; mana u muuqa waddo uu kaga qoomameeyo waqtigii kaga soo lumay; mana ku taagna jidkii uu kaga hari lahaa.
“Wali waan daawada; sidii ayaana u xiiseeyaa; hase ahaatee ma ciyaaro daawashaduse waxay noqotay sheeko caalami ah oo in lala socdo u baahan,” ayuu yiri isaga tilmaamay in halkii wax ku dhow 35 sano uu kusoo jiray xiisaha iyo fiirsiga banooniga.
Si lamid ah Abdi, Zakariya Heeloos, wuxuuna isna taniyo 1995 kusoo joogay daawashada ciyaaraha; xiisaha uu u qabana wali waa halkiisii tiiyoo xittaa uu ku dhacay inuu ka gaaro hadaf uu ka lahaa kubadda cagta.
“Waxaan ku xiiseyn jiray inaan macalin noqdo; hayeeshe, iima suura-galin; balse kama qoomameynayo waqtigii iiga lumay waayo sumcad ayaan ka helay aqoonta aan ka bartay daawashada banooniga,” ayuu yiri Zakariye. “Sidaas darteed, iima muuqato jid aan kaga haro iyo waddo aan kaga shalaayo.”
Halka aynu dhamaan wada ogsoonahay in waxa ugu qaalisan ee aan heysano si aan dalkan wax uga badalno ay tahay waqtiga, deeq dhan oo xoog, xirib iyo xis ah ayaa taniyo laba fac iyo wax ka badan nooga soo lumay daawashada ciyaaraha.
“Dhalinta Soomaaliyeed waxaa kaga baxa waqti badan daawashada kubadda cagta siiba ardayda oo habsaan ka noqda waxbarashadooda,” ayuu yiri Hassan-kafi Ali Osman oo ah aqoon-yahan bartay culuumta bulshada. Waana bare dhiga cilmiga bulshada kaas oo taniyo 2010 cilmi-baaris ku sameynayay juqraafiyadda dalka, baxaalliga deegaanka iyo awoodeynta bulshada. Balse wuxuu ka deyrinayaa in dadaalka ay ka barayaal ahaan bixiyaan uu noqdo mid lagu mindi-raaciyo ku dayashada hab-nololeedka ciyaartoyda taas oo liifadda usii gaabinaysa hammigooda ah soo saarista jiil wax badala.
“Manaahijta ardayda loo dhigo waxaa loogu dow-galaa inuu is-badal ku sameeyo noloshooda iyo aqoontooda; daawashada kubadda cagtuse waxay noqotay caqabad ku hor-gudban dadaalka aan ku bixino ardayda Soomaaliyeed” ayuu ku sharaxay Hassan Kaafi isaga oo intaas kusii daraya. “Haddii sidan ay dhalintu kusii bixiyaan daawashada kubadda cagtu, waxaa adkaan doonta helidda jiil barayaal noqda oo bulshada wax ka badala.”
Si kataba, inta da’yarka Soomaaliyeed uu ka fahmayo inuu hankiisu dhaafo ku dayashada iyo daawashada nin ka hooseeya dadnimo ahaan, qabkii Soomaalinimadu waxaa usii dhacaya gabbalka. Halka barayaal uu kamid yahay Ustaad Hassan-kafina ay waqti adag gelin doonaan soo saarista jiil maskaxdoodii la yeeshay.
Isha: Mustaqbalradio.com
Zakariya Hassan Hiraal.
Related
2016-04-24
You must log in to post a comment.